arrimaha bulshadaWararka

Deegaan ka Tirsan Dalka Morocco oo Dadkii Dagaanaa ay Weerar Dhagax Tuur ah Kusoo Qaadeen Guriga Mu’addin Masjid!!

Dadka deegaanka Rhamna ee dalka Morocco ayaa dhagax tuur ku sameeyay mu’addin masjid oo xilligii afurka ka hor aadaamay, arrintaas oo keentay iney afuraan ka hor xilligii afurka.

Mu’addinka ayaa sida la sheegayo tijaabinayay makarafoonka masaajidka waxyar un ka hor xilliga Afurka, dadkii deegaanka ayaa u qaatay inuu aadaankii galay markaas ayaa in badan oo ka mid ah oo afurkii u diyaarsanaa isla markiiba ku dagdageen iney afka wax ku dhuftaan, laakiin wax yar kadib waxaa u caddaatay iney qorraxdiiba soo jeeddo oo wali afurkii aan la gaarin.

Mu’ddinkan ayaa isagoo gurigiisa ku sugan, waxa uu maqlay dhagaxaan sida roobka gurigiisa ugu soo daadaneysa, dibadda ayuu u soo baxay si uu arrinka u eego, waxaa la yaab ku noqotay inuu arko dadkii deegaanka qaarkood oo gurigiisa weerar ku ah, waxa uu aad uga sii yaabay inuu arkay mas’uulkii xukuumadda ee deegaanka oo dadka la socda.

Sida uu sheegayo wergeysa ERAM, mu’addinkii markii uu gurigiisa dibadda uga soo baxay ayaa mid dadkii ka tirsan uu si lama filaan ah dhagax ugu kadiyay kadibna uu dakhray oo dhulka ayuu ku dhacay isagoo miyir daboolmay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close