iskuulladaWararka

Wasiirka Waxbarashada DFS: Waxaan Dooneynaa Inaan Abuurno Wasaarad Awood leh oo Shaqeynaysa oo Ay Joogaan Dad Xirfadle ah

Wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ka hadlay gabagabadii shirka wasaaradda mudada labada maalin ah uga socota xarunta akadamiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedel ballaaran oo lagu sameynayo shaqada wasaaradda waxbarashada iyo shaqaalaha wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka hadlay iney dajiyeen ahdaaftii iyo hiigsigii wasaaradda waxbarashada dowaldda federaalka Soomaaliya ay ku howlgeli lahayd mudada soo aaddan isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in wasaaraddu ay noqoto mid dadka loogu shaqeeyo ee aan lagu shaqeysan.

“Waxaa muhiim ah iyadana in lagu sameeyo isbedel qaabka ay wasaaraddu u shaqeyso iyo qaabka ay u dhisan tahay, waxaa soo baxday talooyinkii dadka marka aan fiirinnay in wasaaradda sida ay hadda ku dhisan tahay hadday ku socoto inaan la socon karin oo ay curyaan tahay, laakiin loo baahan yahay in si xoogleh go’aan looga qaato oo wax laga bedelo qaabka wasaaradda, waxaan meeshaa ku soo gabagabeynnay wasaarad lagu shaqeysto, waxaan rabnaa inaan kala dooranno inaan ku shaqeysanno wasaaradda iyo inaan dadka ugu shaqeynno, laga bilaabo maanta waxya ila tahay inaan diyaar u noqoneynno in wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare aan dadka ugu shaqeynayno”, ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu ka hadlay wasiirku shaqaalaha wasaaradda ee shaqooyinka kala duwan isku haya, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in shaqaalah wasaaraddu ay noqdaan kuwo u shaqeeya wasaaradda oo kaliya xuquuqdoodana ay ilaalin doonaan:

“Waxaan soo gabagabeynnay in shaqaalaha wasaaradda ay lugba meel ugu jirto, cidda wasaaradda shaqaalaha u ah waxaan ka rabnaa iney noo shaqeyso, xuquuqdooda annagaa kaabaynna, laakiin waxaan kala dooraneynaa inaan wasaaradda ka shaqeynno iyo inaan meel kale ka shaqeynno. Waxaan dooneynaa inaan abuurno wasaarad awood leh oo shaqeynayso oo ay joogaan dad xirfad leh, oo waxay ka shasqeynayaan yaqaanno, waxaa loo baahan yahay in la helo hoggaan sax ah oo go’aan qaadan karo”.

Wasiir Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay hiigsiga iyo hiballada wasaaradda waxbarashada ay ku howlgeli doonto waxaanuu kusoo kooban sidan:

“Hiigsigeennu waa in la helo nidaam waxbarasho oo horseeda wadajir umadeed oo wadaniyad leh, cadaalad, nabad iyo horumar waara. Himiladeennu waa in la helo wasaarad waxbarasho oo shaqeynayso lehna maamul wanaagsan iyo shuruuc hageysa, manhaj mideysan, adeeg waxbarasho oo hufan oo la heli karo loona siman yahay”.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa tilmaamay in gabagabdii shirka labada cisho  socday ay ka soo baxday qodobbo muhiim ah oo wasaaradda looga dhigi karo mid shaqeynaysa, isagan ay ka go’an tahay inuu waxqabto mudada uu wasaaradda hoggaaminayo.

DSC07258 DSC07287 DSC07296 DSC07324

Maandeeq FM

Related Articles

Close