arrimaha bulshadaWararka

Cilmibaaris: Illowshiyuhu Waxa uu Kaa Dhigaa Qof Caqli Badan!!

Illowshiyaha ayaa waxaa la aaminsanaa inuu yahay fashil dhanka maskaxda ah, laakiin daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday iney maskaxdeennu ay u shaqeyso si firfircooni ah iyo iney illowdo xasuusaha qaar isla markaana ay xafidato xasuusaha ugu muhiimsan.

Sida dhabta ah, daraasaddan cusub ayaa tilmaameysa in maskaxdu aaney u qaabeysnayn kaydinta wax kasta, laakiin waxay u habeysan tahay iney kuu keydiso macluumaadka qiimaha leh oo qura, si go’aannada aan qaadaneyno uu u noqdo kuwo wanaagsan.

Blake Richards oo ah allifaha daraasaddan ayaa yiri: “Waxaa muhiim ah in maskaxdu ay illowdo waxyaabaha yaryar ee caadiga ah, waxay xoogga saartaan waxyaabaha kugu kaalmeynaya iney go’aan wanaagsan gaarto”.

Brule Frankland oo ka qeybgalay barnaamijka horumarinta maskaxda caruurta ee CIFAR iyo daraasad lagu faafiyay joornaalka Neuron ayaa yiri: “Cilmibaarisyada cusub ayaa sheegaya in ay jiraan waxyaabo maskaxda ku khasbaya iney xasuusta lumiso, taas oo ka duwan tan ay ka hadlaan dadka daneeya keydka macluumaadka maskaxda”.

Cilmibaaristan ayaa si gaar ah u tilmaamaysa muhiimadda ay leedahay inaan wax illownaa iney u dhiganto tan ay leedahay inaan wax xasuusanno!, waxaanuu illowgu faa’ido u leeyahay labo arrimood oo kala ah;

Tan koowaad: Illowshiyuhu waxa uu maskaxda siiyaa iney iska daadiso macluumaadkii hore ee baaliyoobay ama khaladka ahaa, taas oo ka dhigeysa iney si sahlan ula qabsan karto waxyaabaha cusub.

Tan Labaad: Illowshiyuhu waxa uu fududeeyaa maskaxda sida marka computer-ka la fududeeyo oo kale oo laga daadiyo waxyaabihii hore, waana si qofku uu u gaaro go’aanno muhiim ah, ku darso waxa uu boos fiican u raadiyaa macluumaadka muhiimka ah oo aad u baahan tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close