WararkaWaxbarashada

Dalka Turkiga oo Manaahijta Waxbarasho ee Iskuulaadkiisa Ka Saaraya Aragtida Darwin ee Asalka Aadanaha

Mus’uul ka tirsan xukuumadda Turkiga ayaa ku dhawaaqay in iskuulaadka Turkiga ay ka saari doonaan aragtida Darwin ee Asalka Aadanaha oo hadda muqarar u ah ardaday fasalka 9aad ee dalkaas.

Alpaslan Durmus oo ah madaxa manaahijta dalka Turkiga ee Wasaaradda hiddaha iyo tacliinta ayaa yiri: “Aragtida Charles Darwin’s Theory ee asalka aadanaha waxay ahayd “mid muran badan dhalisay”, marka la gaaro sanadka 2019 ayaan ka saari doonaan dhammaan mahaahijta iskuulaadka”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxyaabaha doodaha dhalinaya oo dhan waan ka saareynaa manhajka ardayda xilli aaney fahmi karin doodaha cilmiyeed ee arrimaha noocaan oo kale ah”.

Charles Robert Darwin waxa uu ahaa caalim ku takhasusay taariikhda aadanaha, waxa uu u dhashay dalka Ingiriiska, aragtidiisa ah asalka aadanaha iyo halka uu kasoo askumay ayuu ku caanbaxay, waxa uu qabaa in aadanaha iyo xayawaanku uu asalkoodu isku mid yahay hal meel oo qurana ay kasoo wada jeedaan. Laakiin aragtidaas ayaa dhirbaaxooyin cilmiyeed la kulantay kadib markii saynisyahanno badan ay arrintaa ku khilaafeen buugaag badan oo ay ku naqdinayaanna ay ka qoreen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close