arrimaha bulshadaWararka

Milkiilaha Facebook oo Afur La Qaatay Qaar Ka Mid ah Soomaalida Minneapolis

Milkiilaha shirkadda Faceboo Mark Zuckerberg ayaa afur la qaatay qaar ka mid ah Somali Minneapolis Khamiistii lasoo dhaafay.

Zuckerberg ayaa Soomaalida kala hadlay muhiimadda uu Facebook siinayo iney dadku dhistaan bulshadooda adduunyadana ay la jaanqaadaan.

“Halkani waa meel aad xor tahay waxa aad doontana aad ka sameyn karto. Haa, waxaad dareemaysaan sida dhulkiinnii hooyo oo kale.”, ayuu ku yiri Zuckerberg Soomaalidii uu la afuray.

Waxa uu uga mahadceliyay afurka lagu casuumay, waxaanuu sheegay inuu la dhacsan yahay sida Soomaalidu ula qabsatay dalka Mareykanka:

“Waxaan idinka mahadcelinayaa martiqaadkiinna dhammaadka Ramadaan. Waxaan aad ula yaabay awoodda iyo kartada sida aad nolol cusub uga sameysateen meel aydaan garaneyn, taasina waa sababta dalkani uu aadka ugu wanaagsan yahay.”, ayuu bartiisa Facebook ku sheegay.

Shirkadda Facebook ayaa dadka adeegsadaa ay gaarayaan illaa 1.9 bilyan oo qof oo dunida oo dhan ka kooban, waxa ay heshay afatii bilood ee ugu dambeysay illaa 8 bilyan oo faa’ido ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close