WararkaWaxbarashada

Qiimaha Waxbarashada Dalka oo Xoogaa Koror ah Laga Dareemayo Bishii May, 2017

Waaxda tirakoobka Qaranka ee hoos timaadda wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay tusmaha qiimeynta badeecooyinka dalka ee (CPI) ee May,2017, waxaana shaxda ku suxan in qiimaha waxbarashada dalku uu aad u sarreeyay bilshii ugu dambeysay ee May, marka la barabardhigo May sanadkii hore iyo April sanadkan.

Waaxda ayaa bishiiba soo saarta isbedelka ku yimaadda qiimaha badeecooyinka kala duwan ee dalka iyagoo qiimaynaya isbedelka kala duwan eek u yimaadda badeecooyinka kala duwan.

Warbixinta ayaa sidoo kalena laga ogaan karaa heerka sicir bararka dalka iyo waxyaabaha saameynta ku leh.

Si kasta, biliha ugu dambeeya ee sanad dugsiyeed kasta waxaa soo waajahda waalidiinta Soomaaliyeed sicirbarar ku yimaadda dhanka waxbarashada iyadoo waalidiinta ay bixiyaan dusha ay saartaan kirada iskuulka iyo mushaarka macallimiinta bilaha fasaxa.

shaxda 1

Maandeeq FM

Related Articles

Close