arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararka

Sirtu Waxay Ku Jirtaa 7 Saacadood iyo Xoogaa Daqiiqado ah!

Dad badan ayaa waxay raadiyaan sacaadada nolosha ama waxa loo yaqaanno afka qalaad happiness, hadaba sirtu waxay ku jirtaa oo la ogaaday inaad seexato habeenkii 7 saacadood iyo xoogaa daqiiqado ah.

Ra’yi uruurin cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka Saciidka ah ee noloshooda ku faraxsan ay seexdaan 7 saacadood iyo 6 daqiiqo, iyadoo hoosta laga xarriiqayo in happiness-ka iyo hurdada uu xiriir toos ah ka dhexeeyo.

Ra’yi uruurintan dadkii ka qeybgalay ee sheegay iney noloshooda haystaan faraxad joogto ah ayaa tilmaamay iney maalintii seexaad 7 saacadood. halka kuuwa kale ee iyagu sheegay iney haystaan faxad caadi ah ay tilmaamay iney iyaguna jiiftaan 6 saacadood iyo 54 daqiiqo, sida lagu sheegay cilmibaaristan oo ay ka qeybgaleen illaa 2000 oo qof.

Warbixinta cilmibaaristan ayaa lagu sheegay in dadka seexda in ka yar 6 saacadood 48 daqiiqo ay yihiin dad aan farax saneyn oo walwal badani uu noloshooda haysto.

Heerka ugu sarreeya ee hurdada qof looga baahan inuu seexdo ayaa ah 7 saacadood, sida ay sheegayso hay’adda caafimaadka wadaniga ah ee (NHS), laakiin in 6 daqiiqo aad ku darsato waxaa la leeyahay waa arrin aad u wanaagsan.

Waxaa xusid mudan, inaad seexato muddo aad u badan inaaney lahayn faa’ido farabadan oo caafimaad, marka aad wakhti dambe habeenkii aad furaashka aaddo oo aad xilli dambe seexato, si caafimaadkaagu u wanaagsanaado waa in aad seexato habeenkii wakhti fiican, arrintaasi waxay kuu keenaysaa inaad nolosha guulo badan ka gaarto caafimaadkaaguna uu wanaagsanaado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close