DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Akhriska Heerkiisa Sare

Wax akhriska degdegga ah iyo wax akhriska heerkiisa sare maanta waxa uu noqday cilmi gaar ah oo la darso, danta loo qabo ee aadka u muhiimka ah awgeed oo aan looga maarmin si loola qabsado casrigan cilmigu sida weyn u kobcayo, ku darso faa’iidooyin aan la soo koobi karin oo laga helo noocan wakhriska casiga ah.

Akhriska caadiga ah waa inaad akhriso 160-250 kalimadood daqiiqaddii, laakiin akhriska heerka sare waa inaad daqiiqaddii akhriso 500-3000 oo kalimadood. Halka akhriska guud marka ah akhriskiisa daqiiqaddii uu gaari karo 25,000 oo kalimadood,  bal aan isla eegno farqiga ballaaran ee u dhexeeya saddexdaa nooc ee wax akhriska ah, waxay isku yihiin kaaf iyo kala dheeri.

Saddexdaa nooc ee wax akhriska ah marka la eego heerkooda fahamka aad ayay u kala tagsan yihiin, akhriska caadiga ah waxaa lagu qiyaasaa heerkiisa fahamka 45-55%, akhriska degdegga ah waxaa lagu qiyaasaa 60-65%, halka akhriska guud marka ah ama loo yaqaanno akhriska sawirran ee qaabka sawirka oo kale wax loo akhrinayo heerka fahamkiisa la gaarsiiyo 70-75%!, taas oo ka dhigan in akhriska caadiga ah uu ugu liito.

Awoodda Aadanaha ee Dhanka Akhriska

Illaahay aadnaha waxa uu siiyay awood aad u ballaaran, xawaaraha wax akhriska ee maskaxda aadnaha waxaa ka bilaabataa 550 kalmadood daqiiqaddii, waxaanuu xawaarahaasi gaari karaa illaa 50 kun oo kalmadood daqiiqaddii. Laakiin waa dadaal iyo tababar farabadan oo aad nafta galiso kadib.

Isha aadnaha ayaa waxay qabataa 8 milyan oo sawir ilbiriqsigii, waxayna kala soocdaa illaa 12 milyan oo sawir ilbiriqsigii kastaba.

Imam al-Shaafici ayaa waxaa la sheegaa inuu aad u yaqaannay wax akhriska “tasawiriga ah” amaba guud marka ah, waxaa lasoo wariyay in imaamuku uu halka bayj uu aragti kaliya ku akhrin jiray.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Roosevelt,  ayaa waxaa la tilmaamaa inuu buug dhan uu ku akhrin jiray maalintii gaar ahaan inta aanuu quraacanin ka hor. Madaxweynihii kasii horreeyay ee John Kennedy waxa uu daqiiqaddii akhrin jiray 1200 oo kalmadood.

Si kastaba, Nin xikmad badnaa ayaa waxaa la weydiiyay, sababta uu wax u akhriyo, waxa uu ku jawaabay”Noloshu waa mid kaliya, sidaa darteed ma doonayo inaan noolaado mid kaliya”, waxa uu ka hadlay in qofka wax akhriyaa uu noolaado xilliyo kala duwan.

Qofka akhriska ka mashquulaa waa qof wax badan iska dayacay, waxa uu ka daran yahay qofka ganacsadaha ah ee ganacsigiisa sakhaase aanuu kasoo kabsan karin gaarsiiyay.

Ugu dambeyn, wax akhriska faa’iidooyinkiisa lama soo koobi karo, qof kastaa inta uu wax akhriyo ayuu saaxiibaddii dheer yahay, cilmigu waa aasaaska noloshan casiriga ah iyo hubka maanta iyo mustaqbalka dunida, waxaana saldhig u ah wax akhriska ee naftaada ha dayicin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close