Wararka

Somaliland: 28 kun oo Arday oo Imtixaanka Shahaadiga ahaa u fariisatay

28 kun oo arday oo imtixaanka shahaadiga ah u fariisatay iskuulaadka dhexe iyo sare ee Somaliland sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Madaxa waaxda imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax Oo  la hadlay BBC qeybteeda Af-Soomaaliga ah ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka shahaadiga ah maamulkooda u fariisanayaan arday gaareysa illaa 28 kun oo arday oo iskugu jirtay dugsi dhexe iyo sare.

Daa’uud waxa uu sheegay in saaka imtixaanku uu si fiican ugu bilowday isla markaan ay rajeynayaan in uu si fiican ugu soo dhamaado.

“Waxaa bilaabmaya imtixaankii shahaadiga ahaa ee Somaliland, tirada ardayda u fadhiisaneysa dugsiyada dhex waxa weeyaan 17 kun oo arday, iyo dugsiga sare oo ah 11 kun oo arday, runtiina dalka ka wada bilaabmaya min koone illaa koone, runtii imikana si fiican ayaa goobihii imtixaanku u wada gaaray, waxaanan rajeynaynaa inuu sidaa inoogu soo dhamaado haddii uu Alle idmo”.

Waxa uu xusay in dugsiyada sare ay imtixaanka ku galayaan illaa 16 goobood oo kala duwan, cadaaladdana ay u ilaaliyeen si hadhow aan cidina cabasho gaar ah u keeni karin:

“Somaliland hadday arday tahay iyo haddii ay dadweyne tahay Hargeysa waa illaa 67%, markaa goobe ayay ku kala galayaan waana la isku qeybiyaa ardayda, iskuul walba 20 arday oo ka mid ah ayaa goob la iskugu geynayaa, waxaa laga yaaba in secondary-yada Hargeysaa illaa 16 goobood ayay ku kala galayaan markaa goob walba waxaa jooga fasallo ka mid ah ardaydii hargaysa, si cadaaladdu u sugnaato qolo walibaana aaney u oran annaga aadbaa naloo ilaaliyay”.

Madaxa imtixaanaadku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Sanadkani uu yahay mid ay si weyn loo ilaalinayo tayada waxbarashada iyo la dagaallanka qishka iyo kala eegashada goobaha imitaxaanaadka Somliland.

Ugu damben, sanadkan ayaa ardayda shahaadiga ah ee iskuulaadka Somaliland aan loo ogoleyn in wax tiknoloojiyad ah ay la galaan goobaha imtixaanka sida taleefoonnada iyo wax kasta oo keeni kara in ardayga uu caawimaad ka helo goobaha ka fog imtixaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close