arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Naftaada ku Kalsoonow Awoodaadana Aamin Noloshaada Waxaad u Horseedi Kartaa Guulo Wax Ku Ool ah

Naftaada inaad ku kalsoonaato, awoodaha waxqabad ee aad leedahay aad aaminto waxay kuu horseedaysaa guulo waaweyn oo aad ku mahdiso noloshaada.

Qofku inuu hanto fikirkiisa, awooddiisa oo dhanna uu ku jiheeyo dhanka gaaritaanka yoolkiisa nololeed waxaa lagama maarmaan ah inuu la yimaaddo isbedel iyo inuu  barato maamulka iyo xakameynta nafta.

Waxaa jira labo tiir oo ay ku taagan tahay maamulka nafta oo kala ah:

1 – Diyaargarow gudaha ah: Taas oo ka dhigan inuu qofku u diyaargaroobo isbedel iyo horumar joogto ah.

2 – Fikir Togan: qofka waa iney jirto qanaacad dhanka gudihiisa ah iyo kalsooni ah inuu isbedelku lagama maarmaan yahay isla markaana la sameyn karo.

Sidaa darteed waxaa lagama maarnaam ah inaan isbedel la nimaadno, isbedelkuna waxa uu u baahan yahay wadiiqad loo maro oo la isku waafaqsan yahay.

Shanleyda Isbedelka

Shanleyda isbedelka ee dahabiga ah ee la raaco, waxaa ay kuu tilmaamaysa 5 waddo ee loo raaco isbedelka wanaagsan.

1 – Kor u Qaada Hankaaga: sawiro riyooyinkaaga, xadid farriintaada nolosha.

2 – Qaabee Qanaacadaada: markasta noqo qof wanaagsan, wax kastana dhanka wanaagga ka eega, si aad ugu dhisto kalsoonida naftaada wax wanaagsan.

3 – Qeex hadafkaaga nolosha qor, kuna dhawaaq.

4 – Sameyso ku dayashaada dhanka nolosha, si aad yididiilo ugu noolaato.

5 – Xiriirkaaga dooro: haka ag fogaan dadka guuleystayaasha ah oo mar kasta aad ka helayso dhiirigelinta.

Si kastaba, wixii tagay tiigsiimo ma laha, sidaa darteed waxaa muhiim ah xilligan hadda la joogo, wax kasta adigaa gacantaada ku haysta cid kale ha eedsan naftaada mooyaane, isbedel samee horumarkaagana ku tallaabso.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close