arrimaha bulshadaWararka

Saameynta Maqnaanshiyaha Internet-ka Uu Ku Yeeshay Qaar Ka Mid ah  Ardayda Jaamacadaha Dalka

Saameynta maqnaanshiyaha internet-ku ay ku yeelatay ardayda jaamacadaha dalka ayaa ah mid aan u xooggan gaar ahaan ardayda barata culuumta sayniska iyo caafimaadka oo si weyn ugu baahiqaba.

Makarafoonka Maandeeq FM oo aan la dhex marnay ardayda jaaamcadaha qaarkood ayaa ka falceliyay maqnaashiyaha internet-ka oo saameyn taban ku yeelatay noloshooda waxbarasho.

Jacfar Cali Faarax oo ka tirsan ardayda aan wareysannay ayaa ka hadlay dareenkiisa maqnaanshiyaha internetka, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Waxaan wax ka barta mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho, waxaan bartaa caafimaadka, internet ku waxa uu igu yeeshay saameyn weyn dhinaca waxbarashada iyo tan asxaabtaydaba, waxaan kala socon jiray marwalba casharrada lasoo dhigo, waxwalba oo igu adkaada ayaan ka fiirsan jiray, hadda malaha meel aan kala socdo casharka Theory ayaan soo qaataa oo aan akhriyaa. Dhinaca asxaabtana waxa uu igu yeeshay saameyn wayn dunida oo dhan ayaan kala xiriiiri jiray”.

Siciid Xasan Faarax (Dr. Siciid) oo isna dhankiisa ka hadlay maqnaashiyaha internetka ayaa tilmaamay iney si aad ah u tabeen cilmibaarisyadii ay kala soo bixi jireen adeegga oo hadda hawada ka maqan:

“Waxaan ka mid ahay ardayda cilmiga caafimaadka ka barata jaamacadaha Xamar, waa dareemi karta saameynta internetka arday caafimaad barto. Khadku wax badan ayuu naga caawin jiray, xagga waxbarashada inaad cilmibaaris sameysid,  khadku waxa uu noo ahaa macallin qarsoon, waxaan ku eegnahay oo kaliya waxyaabaha ay macallimiintu noo qoraan  ee note-ka ah”.

Adeegga internetka ayaa ka maqan koonfurta iyo  bartamaha Soomaaliya muddo 10 cisho ah ku dhawaad, iyadoo la filayo in dhawaan uu dib ugu soo noqdo adeegga oo daruuri u ahaa nolosha in badan oo ka tirsan shaqaalaha internet maalka ah ee dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close