WararkaWarbixinno

Hadallo Xikamadaysan oo Laga Hayo Dad Nolosha Ku Guuleystay

Inta badan dadka nolosha ku guuleystay ayaa ah dad nooga tahay dhaxal aan baaliyoobayn oo nolosheenna wax tar u leh, haddii aan ku dhaqanno inoo keenaya inaan si wacan nolosha u fahamno si qiimo badanna uga faa’ideysanno.

Maanta waxaan idiin soo xulnay dhowr xikmadood oo laga hayo shakhsiyaad kala duwan oo nolosha guulo wax ku ool ah oo wanaagsan ka gaaray.

Cabdimalik Ibnu Marwaan ayaa yiri: “Dadka waxaa ugu wanaagsan; qofka tawaaduca marka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo , cadaaladda fala isagoo awood leh”.

Jibraan Khaliil Jibraan ayaa isna yiri: “Marka aad wax bixineyso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin ha illaabin, marka aad wax bixineyso qofka aad wax siineyso inaadan kor u eegin si xishoodkiisa aadan u dareemin”. Waa wax bixinta heerkeeda ugu sarreysa.

Nin la oranjiray “Plato ayaa yiri: ” Dagaalka qofka ee naftiisa ayaa ah guusha ugu weyn ee aadanuhu uu gaarayo”.

Tag or : “Way  tiro badan yihiin waxyaabaha aadanaha nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu yaab badan yididiilada”. Mar uu ammaanayay in yiyidiiladu ay tahay waxa ugu qiimaha badan ee dadka nolosha jeclaysiiya.

Bertrand Russell  ayaa yiri: “Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay inaan uruurinno khalaadka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro”. Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka uruuriyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.

jibraan khaliil

Maandeeq FM

Related Articles

Close