Wararka

Qiimaha Dhabta ah ee Qofka

Marka uu qofku goonni uuga joogsado dadka kale ee uu u arko inaaney fiicnayn, waxaa dhici karta inuu dareemo inuu ka qiimo badan yahay dadkaa kana qalbi fiican yahay, ka caqli badan yahay, sidaa darteedna ay tahay inuu dhinac uga joogsado. Marka aad sidaa sameyso ogow waxaad naftaada u doortay wadadii ugu sahlaneyd uguna dhibaatada yareyd.

Laakiin cadamada dhabta ah ee qofku waxa uu yahay inuu dadka dhexgalo oo uu si wanaagsan ula dhaqmo si kasta oo ay daciif u yihiin amaba ay u khalad badan yihiinna uu isku dayo inuu hagaajiyo amaba heerka fiican ee uu joogo uu soo gaarsiiyo.

Taa macnaheedu maaha inaan ka tageyso akhlaaqdaada sarreysa iyo qiimahaaga ama aad ku dhex milmayso dadkaas xumaantoodana aad ammaaneyso amaba aad dareen siinno inaad ka fiican tahay.

Is waafajinta waxyaabaha soo kala horjeeda iyo laab furnaanta ayaa ah waxa uu u baahan yahay dadaalka wax ka bedelka bulshada, waana arrinka lagu tilmaamay inuu yahay qiimaha dhabta ah ee qofka.

qiimaha dhabta ah ee qofka

Maandeeq FM

Related Articles

Close