Wararka

Somaliland: Labo Macallin oo Xabsiga loo Taxaabay Kadib Markii La Qabtay iyagoo Arday La Fududeynaya Imtixaanka

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdi Cali Jaamac, ayaa sheegay in la qabtay oo xabsiga la dhigay Labo macallin oo ardayda imtixaanaadka u fududeynayay qish, toos oo sanadkan laga soo saaray go’aanno adadag oo looga hortagayo.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu jiro warar ay ka helayaan xafiiska imtixaanaadka oo sheegaya in labada macallin la qabtay iyagoo qish fududeynaya:

“Waxaa nasoo gaadhay iney jiraan labo macallin oo xafiiska imtixaanaadku ay ku arkeen iney sharcigii jabiyeen, waxaa lagu soo eedeeyay imtixaanka iney qish fududeynayeen, sida sharciga imtixaanka ee lasoo saaray uu tilmaamayo, arday ha ahaado, macallin ha ahaado waalid ha ahaado, cid kasta oo isku dayda iney sharciga imtixaanka jabiso waxaa qoran  in tallaabo adag laga qaado, tii baa lagu qaaday”.

Waxa uu tilmaamay iney jiraan arda imtixaanaadka laga saaray kadib markii lagu helay taleefanno smarts ah oo horey wasaaraddu uga digtay inaan lala soo gali karin goobta imtixaanka:

“Maalintii 2aad ee imtixaanaadkana sida lasoo warinayo illaa 20 mobil oo iskuulada Hargeysa gudaheeda laga soo saaray, ardaydiina laga saaray imtixaanka, gobolka Togdheer Burco sidaas oo kale dhowr iyo Afartan mobil oo laga saaray sida guddoomiyaha imtixaanku uu noosoo xaqiijiyay”.

Si kastab, sanadkan ayaa wasaaradda waxbarashada Somaliland ay go’aanno adadag kasoo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare oo ay sanadkan ka qeybgalayaan in ka badan 26 kun oo arday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close