arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxay Dadku Rabaan, Maya Waxaad Adigu Dooneyso!!

Dadku dabeecadda iyo dookha wey ku kala duwan yihiin, qofkii doonaya inuu qalbigooda ku guuleysto waa inuu xoogga saaraa waxyaabaha ay xiiseynayaan ay ku fakarayaan oo ay rabaan.

Del Carnage  ayaa waxa uu yiri “Waxaan soo ugaarsan jiray malaayga xilliga xagaaga waxaan aad u xiisaynayay oo aan jeclaa ubaxa inaan sii qaato, laakiin waxaan arkay in kalluunku jecel yahay aargoosatada sababo aanan anigu garan karin, sidaa darteed marka aan kalluunka doonayo inaan soo dabto kuma fakaro waxaan jeclahay ee waxaan ku fakaraa waxa uu kalluunku jecel yahay, sidaa darteed maqaalinta ubax ma suro ee waxaan u suraa aargoosato amaba jiir yar oo aan kusoo dabtaa”.

Cidina kaama yeelayso in qormadaada ama sheekadaadu noqoto mid ku wareegaysa waxaad jeceshahay oo qura, waxaa dhici karta shay aad  jeceshay inaan dadku kula wada jeclayn amaba aaney cidina xiisaynayn.

Hogaamiyeyaasha ugu guulaha badan dunida dadkuna ugu jecelyihiin waa kuwo hadal jeedintooda u qaabeeya habka ay rabaan dadka uu la hadlayaa.

Cilmiga maamulka ee xilligan casriga ah, qaanuunka dhinaca khudbadaha jeedinta iyo la hadalka bulshada waxa uu leeyahay: “Baro mar ka hore oo wax kasii ogow waxyaabaha ay jecelyihiin jamaahiirta aad la hadlayso”. Waxaa markaa xikmadda ka mid ah inaad si wanaagsan u daraaseyso caqliga dadka aad la hadlayso oo aad barato tabaha meelaha laga abaari karo, waxay ay jecelyihiin iyo waxa ay necebyihiin.

Xasuusnow, Waxaad doonayso sheeg, laakiin qaabka ay rabaan u abaar oo u sheeg.

Abraham Lincoln  oo ahaa madaxweynihii 16aad ee Mareykanka(1861-1865)ayaa mar la weydiiyay waxa ay Diblumaasiyaddu tahay, fikir badan kadib  ku jaawaabay: Waa awoodda shakhsigu uu u leeyahay inuu dadka kale umuujiyo wax ugu tilmaamo sida ay la jeclaan lahaayeen naftooda iyo in uu dadka ula dhaqmo sida ay jecelyihiin in loola dhaqmo.

doonista dadweynaha

Maandeeq FM

Related Articles

Close