Wararka

Rajo Beel Soo Waajahay Boqolaal Caruur ah oo Ku Jira Xarunta Agoomaha ee Daryeel

Rojo beel soo waajahay boqolaal caruur ah oo ku jiray xarunta agoomaha ee Daryeel, halkaas oo ay ku haysteen waxbarasho, caafimaad iyo nolol.

Usaame Cabdi Nuur Cali waxa uu ka mid yahay caruurta muddo Labo sano ah ku jirta xerada Daryeel ee  dhaqan celinta caruurta derbi jiifka ah  iyo agoonta taasi oo ku taallo degmada Cabdi Caziiz ee gobolka Banaadir.

Usaame iyo koox kale oo la socotay ayaa laga soo qabtey markii hore degmada Xamar-weyne, halkaas oo ay ku isticmaali jireen maandooriyaha ayna haysatay mustaqbal la’aan iyo daryeel xumo.

“ Markii hore oo la ikeenayay waxaa la ii keenay daryeel xumo anoo daraagis ku jira, maanta halkaan markaan imid waxaan ku arkay nolol fiican, daawo, waxbarasho wanaagsan, marwadii hore ee madaxweynaha ayaa namaal galin jirtay waxaa joogaa halkaan labo sano iyo bar, doorashada ka dib waan weynnay wax namaal galiya “, ayuu yiri Cabdinuur oo aan wareysannay.

Xuruntan Daryeel waxaa markii hore furtay marwada madaxweynihii hore ee Xasan Sheikh Maxamuud marwo Sahro Cumar waxaana xilligaasi ku jiray 332 caruur ah, kuwaas oo badankoodu derbi jiif ahaayeen, balse doorashadii dalka ka dib waxaa meesha ka baxday ka warqabkii iyo xanaanadii marwada oo ka warqabi jirtay, waxaana caruurtaan soo waajahday nolol ka liidata tii markii hore ay ku heysteen xeradaan Daryeel.

Hadda xarunta waxaa jooga caruurr tiradooda ay gaareyso 200, waxaana xeradaan ka baxay oo iskaga tagay ilaa 132 caruur ah,  kuwaas oo dib ugu laabtay halkii labo sano ka hor laga keenay.

Xaliimo Cabdulle Cali oo ah maamulaha xerada Daryeel ayaa waxay digniin u dirtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya taasi, waxay sheegtay haddii aan laga soo gaarin caruurtaan in ay inta kale ay dib ugu noqon doonaan noloshii hore ee rajo beelka ahayd.

“ Wax badan oo saameyn ah ayay nagu yeelatay, maxaa yeelay; caruurtaan waxay ahaayeen 332 canug annaga waan xamili weynay, waxaa ku jira dadwaaweyn caruurtii aan heyn jirnay oo quruxda badnaa iyaga oo qof bani’aadam ah aan u e keen ayay waddooyinka daad sanyihiin”.

Ubax Maxamuud Nuur oo ah gabar u dhaq-dhaqaaqda bulshada oo arrintan ka danqatay ayaa noo sheegtay in caruurtani markii hore daryeel haysteen maanta ay u baahan yihiin daryeelkii hore mid la mid ah:

“ In caruurtaan meeshaan  lagu haayo maamadii hore ee xaaskii madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horay u heyn jirtay iyada ayaana mas’uul ka aheyd guddoomiyihii hore gobolkana waxa uu ku bixin jiray dhaqaalo, caruurtaan kaliya uma baahno cunto lasiiyo, waxay u baahanyihiin caafimaad waxbarasho”.

Labo sano iyo bar ayaa caruurtaan iyo kuwa kale ay ku wada noolaayeen xaruntan Daryeel oo noloshooda marka ay bilaabaneyso oo xerada la geynayay waxay ahaayeen kuwo rajo iyo mustaqbal ifaya leh, balse hadda waxaa soo wajahday mustaqbalkooda mugdi iyo rajo beel aaney jirin meel ay ku tiirsan yihiin.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close