JaamacadahaWararkaWaxbarashada

13 Qodob oo Horseeda Guulaha  Dhinaca Maamulka

Si maamulka shirkadaha iyo maamul kastaa u tiigsado guusha meesheeda ugu sarreysa, waxaa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo waxyaabaha guusha tiirarka u ah oo aad u farabadan, laakiin ay ugu muhiimsan tahay 13 qodob oo aan ku soo koobayno qormadeenna hoose.

1 – Go’aan iyo howlgudasho degdeg ah.

2 – Howl kasta natiijada laga filayo waan lasii sheego waa iney caddahay marka horeyna lasii ogyahay.

3 – Rajada iyo riyooyinku aad ayay muhiim u yihiin, laakiin kaligood la iskuma halleyn karo, shaqo waa lagama maarmaan, horey ayaa waxaa loo yiri: “Hope is not strategy..Work is strategy” (Hadalladaada ficil u bedel).

4 – Mustaqbalka xoogga saar, wakhti badan haku qaadan sidii aad ugu noolaan lahayd gulihii hore, wixii hore waxay doonaanba ha noqdaan iska illow, mustaqbalka xoogga saar.

5 – Doodaha shaqo ku bedel, haddii maamul doodi ku badato wadada guusha wuu ka dhacaa.

6 – Shaqada Bilow, waxba ha dib dhigin, shaqada ayaa ah halka kaliya ee wanaagga laga ogaado, waxaan ognahay guulaha aad tiigsato guulo kale ayay kuu riixaan, guushuna shaqo ayay ka dhalataa ee sheeko kama dhalato.

7 – Wakhti badan ha ku lumin sheeko iyo cilmibaaris, haku xeeldheeraan baaritaannada iyo macluumaad uruurinta, shirkadda Philips waxay cilmibaarista ku bixisaa wakhti iyo kharash aad uga badan tan shirkadda SONY, hadana shirkadda SONY ayaa ka hormar fiican.

8 – Go’aan qaadashada degdegga ah ayaa iyaduna lagama maarmaan u ah, marka aad go’aanka qaadatana Alle talo saaro.

9 – In mar kasta aad gacanta ku hayso Xal bedel ah oo markii shay sidii la filay uu noqon  waayo, waa in horey looga fakaraa oo la ogyahay qorshihii kale ee lagu bedeli lahaa.

10 – Howl Fududayn, in wax la fududeeyo oo markasta adadeegga laga fogaado, mar kasta go’aanka fudud ee ugu habboon qaado.

11 – Ku dadaal Qaacidada Parito, qaacidadan oo uu dajiyay caalimka dhaqaalayahanka ahaa ee reer Taliyaani Qarnigii 19aad, taas oo ah 80/20, waxa uu sheegay in 80% ahdaafta guud uu qofku ku gaari karo 20% oo dadaal ah. Sidaa darteed qofkii doonaya inuu gaaro guul weyn oo aad u baaxadleh waxaa lagama maarmaan ah in qofku 80% wakhtigiisa iyo dadaalkiisa iyo fakarkiisa uu ku bixiyo sidii loo gaari lahaa ka miro dhalinta mashaariicda waaweyn.

12 – Xasuusnow Qaanuunka Parkinson’s, qaanuunka ayaa sheegaya in shaqadu ay u fidsan tahay si ay u buuxiso wakhtiga loogu talogalay, haddii aad dooneyso inaad howl qabato oo Hal-saac aad ugu talogashay waxaa hubaal ah in shaqadaasi ay saacad kugu qaadaneyso, xataa haddii aad shaqadaasi ay kugu qaadaneyso saacad barkeed, sidaa darteed waxaa muhiim ah in wakhtiga aad uga taxadarto, si hadhow wakhtigaaga aad uga faa’ideysato.

13 –  Ku dadaal Howlaha Hortabinta leh, si gaar ah u eeg afarta arrimood ee hoos ku xusan:

a) Meesha ka saar dhammaan howlaha aan muhiimka ahayn isla markaana aan degdegga loogu baahneyn, haku mashquulin.

b) Haddii ay kuu suurtogali karto inaad meesha ka saarto shaqooyinka degdeg ah ee laakiin aan muhiimka ahayn aad ayay u fiicnaan lahayd.

c) Shaqadaada ka bilow, howlaha muhiimka ah ee degdegga loo rabo ee aan la dib dhigi karin, haddiise ay kuu suurtogaleyso in aad cid kale u wakiilato aad ayay u fiican tahay.

d) Xoogga saar shaqooyinka muhiimka ah ee aan degdegga ahayn, sida qorshahaaga mustaqbalka, sameynta hoggaamiyeyaasha, barbaarinta ubadkaaga, kobcinta naftaada. Waxaad ogaataa in dadka heer sare ka gaaray noloshaada ay xoogga saaraan arrinka 4aad oo ah ee ugu dambeysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close