DugsiyadaWararka

6 Qodob oo  Laga Soo Calaamadeeyay Gabagabada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Deegaannada Somaliland

Sanadkan ayaa waxaa laga soo calaamadeeyay arrimo dhowr ah imtixaanka shahaadiga ah ee deegaannada Somaliland ee uu kaga duwanaa xilliyadii hore.

Khalid Ismaaciil C/raxmaan oo ah wariye madax Banaan oo ku sugan Hargeysa ayaa inooga warramay imtixaanka soo gabagaboobay iyo waxyaabihii gaarka ahaa ee laga soo calaamadeeyay. Khalid waxa uu noo sheegay in imtixaanka sanadkan laga soo calaamadiyay waxyaabo ay ka mid yihiin:

1-  Qishka imtixaanka oo si weyn loo adkeeyay

2 – Wasaaradda oo go’aanno adadag kasoo saartay

3 –  Waxaa Xabsiga loo taxaabay macallimiin la sheegay iney arday imtixaanka u fududeynayeen.

4 – Imtaxaanka oo baaxaddiisu gaartay meelo aanuu horey u gaari jirin, sida degmada Xuddun ee gobolka Sool oo la sheegay in imtixaanku uu ka qabsoomay.

5 – Sanadkan waxaa imtixaanka u fariistay, si lama filaan ah ardya xabsiga ku jiray oo dambiyo madani ah loo haystay, xarunta imtixaanka ayaa la keenay, yunifoomkii ardaynimana waa loo xiray, kadibna imtaxaankii ayay u fariisteen.

6 – Guud ahaan ardayda oo si weyn uga xumaaday qishka aadka loo adkeeyay iyadoo baraha bulshada la arkayo iney aad uga cabanayeen, qaabka cusub ee sanadkan imtixaanka loo adkeeyay.

Si kastaba, Khamiistii lasoo dhaafay ayaa deegaannada Somaliland waxaa lagu soo gabagabeeyay imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8aad iyo 12 ee sanad dugsiyeedka 2016/2017, iyadoo ay ka qeybgaleen ku dhawaaday 26 oo arday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close