WararkaWarbixinno

Qaabka ay Kulliyadaha Jaamacadda Ay ku Xushaan Ardayda Dhameysatay Dugsiyada Sare ee Muqdisho

Ardayda sanadkan dhameysatay fasalka 12aad ee dugsiyada sare ee Muqdiho qaarkood oo aan makarafoonka la dhex marnay ayaan ka wareysannay qaabka ay u go’aansanayaan xulashada kulliyadaha kala duwan ee jaamacadaha iyo in waalidku uu cadaadis ku saaro kulliyadaha qaar iyo in kale.

Ardaydu siyaabo kala duwan ayaan uga hadleen, qaarkood waxay noo sheegeen iney go’aanka iygu gaareen, halka kuwo kalena ay tilmaameen in waalidkuna ku raacsan yahay go’aanka ay gaareen dhanka xulashada kulliyadaha kala duwan ee heer jaamacadeed.

C/Naasir Cabdullaahi Cali, ayaa waxa uu noo sheegay in uu doonayo barashada kulliyadda IT-ga:

“Waxaan hamigeyga ka dhigan rabaa haddii Alle idmo IT, waxaa in muddo ah hamigeygu ahaa tiknoloojiyadda, waana wax hadda dalkeenna looga baahan yahay, waxaan u doortay inaan maskaxdayda iyo caqligeyga kaashado, qof kasta waxa uu doorto wax unbaa ku riixaya, waxaanan rajeynayaa inaan kasoo bixi doono. Kulliyaddaan hamigeyga ayay kasoo baxday waana go’aankeyga, wax waalid khuseeyana maaha”.

Caa’isho Siciid Maxamed, ayaa noo sheegtay iney dooratay kulliyada caafimaadka maadama ay caawinta dumarka daneynayso:

“Waxaan ka mid ahay ardayda sanadkan ka qalinjabisay dugsiyada sare ee dalka, waxaa ii qorsheysan inaan barto kulliyadda caafimaadka, aad waxaan ugu fiicanahay dhanka caafimaadka, siiba waxaan jeclahay inaan caawiyo dumarka Soomaaliyeed, waalidiintaydu way ila jecelyihiin balse ahnigaa iska leh go’aanka”.

Maxamed Abuukar Cabdullaahi, ayaa isna doonaya inuu barto kulliyadda Accounting-ka:

“Waxaa ka mid ahay ardaydii sanadkan ka qalinjabisay iskuulka Abubakar al-Sidiiq, waxaa hamigeygu yahay inaan jaamacadda heerkeeda sare u gudbo, hamigeygu aad iyo aad ayuu u weyn yahay, waxaanan doonayaa inaan ku biiro jaamacadaha dalka, kulliyadda aan baranayo hadda ayaan go’aankeeda wadaa, waxaan arkay in waxbarashadu ay waddankeenna ku fiican tahay, waxaan hadda xiisanayaa Accounting, markaan iskuulka dhiganayay waxaan xiisayn jiray maadada xisaabta iyo physicis-ka”.

Shugri Maxamuud Maxamed, ayaa iyaduna dooneysa iney IT-ga barato hamigaasina uu ku abuurmay iyadoo Glass-ka 7aad dhigatay:

“Waxaan aad iyo aad u jeclahay inaan barto faculty IT, waxaan jeclahay jaamacadaha magaalada Muqdisho mid ka mid ah inaan ku biiro, kulliyaddan waxaan ku hamiyay anigoo ah Glass-ka Todobaad, waalidkeygana waa ila jecelyahay, in badanna waa igu dhiirigeliyaan inaan barto faculty-gaa IT, waanan jeclahay inaan heer sare ka gaaro”.

Si kastaba, xilliyadan oo kale ayaa sanad kasta waxaa dalka u soo baxay arday aad u farabadan oo qaarkood ku wareera habka ay u xulan lahaayeen kulliyadaha ugu habboon ee mustaqbalkooda u wanaagsan, haka kuwo kalena ay la kulmaan cadaadis dhanka waalidka ah oo ku khasba iney kulliyadaha qaar doortaan, taas oo waxbarashadooda ku keenta dib u dhac.

Maandeeq FM

Related Articles

Close