WararkaWaxbarashada

General Qaalib: Himiladaydu Waxa Weeyaan Wixii Aan Taariikhda Soomaaliya Ka Garanayo in Dhalinyarada Jaamacadaha U Gudbiyo

General Jaamac Maxamed Qaali oo horey uga tirsanaa ayaa ka cudur daartay xil uu u magacaabay madaxweyne Farmaajo, waxa uuna ka doorbiday wax barasita dhalinyarada Jaamacadaha dalka.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo Wareysi siiyay Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa sheegay inuu doonayo in taariikhda Soomaaliya uu la wadaago ardayda jaamacadaha dalka xil kalena aanuu diyaar u ahayn hadda:

“Xilkaasi waan ka cudurdaartay, mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, aniga himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigata u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin inaan wax sheego kuma khasbani”.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddiga taakuleynta ciidanka oo la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay dhismihiisa ka qeyb qaataan oo taakuleynna ay u fidiyaan, si mar markale dalka loogu sameeyo ciidan xooggan oo ammaanka hanankara.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close