Wararka

Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Sheegtay iney Puntland isla Meeldhigeen Mabaadi’da Guud ee Manhajka

 

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in socdaal uu ku gaaray Puntland laga dhaxlay is afgarad mabaadi’da guud ee dhanka manhajka ah isla markaana ay hadda fadhiyaan guddi labada dhinac ah oo meel dhex wax iskugu keenaya.

Wasiir Cabdiraxman ayaa sheegay in socdaalkii ay ku tageen puntland laga dhaxlay isafgarad dhanka mabaadi’da guud ee manhajka ah.

“Manhajka baadi’ waxaan isku raacnay asal ah, waxaan naga go’an in maskaxda iyo aragtida ardayda Soomaaliyeed oo idil la mideeyo taasi waa naga go’an tahay, markaa waan isku raacnay maalintii aan kasoo tagaayayna waan soo sheegay,  taasina way dhacaysaa wax mujaamalo, markaa way fadhiyaan Labadii team  oo farsamadii ayunbaa hadda laga shaqeynayaa qaabkii looga shaqeyn lahaa,  loo sameyn lahaa, mabda’a guud ee ardayda laga soo bilaabo Lowya-cadde illaa Raaskaambooni sidii loo mideyn lahaa quluubta iyo aragtida iyo ardayda miro dhalkooda taasi waa xaqiiqo”.

Puntland ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u qabteen wasiirka wasaaradda waxbarashada, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ay ku diideen gabi ahaanba qolfoofka manhajka cusub ee Soomaaliya la doonayo in si mideysa looga dhaqangeliyo guud ahaan dalka 2018, taas oo dhalisay in Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay socdaal ku tagaan maamulkaas si is afgarad looga gaaro qolfoofka manhajka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close