Wararka

Wasaradda Waxbarashada DFS  Soomaaliya Oo Maanta Dib Ula Waregtay Xaruntii Weynayd ee Jaamacadda Gahayr

Munaasabad kooban oo ka dhacday maanta xarunta jaamacada Ummada Soomaaliyeed ayaa wasaradda waxbarashada xukumadda Soomaaliya waxa ay howlgalka Amisom oo muddo badan ku sugnaa xaruta jaamacada umadda Soomaaliyeed.

Xarunta ayaa muddo 10 sano ah waxaa daganaa ciidamada Amisom ee ka socda dalka Burundi waxaana munasabada maanta dib ay kula waregtay xarunta jaamacadda ummadda ka soo qeybgalay masuliyin ka tirsan golayasha kala duwan ee dowladda.

Masuliyinta ugu sareysa wasarada waxbarashada iyo masuliyinta jaamacada umadda ayaa sidoo kale ku sugnaa goobta.

Wasiirka waxbarashada C/raxmaan Daahir Xuseen oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dib gacanta wasaradda ay u soo gasho xarunta jaamacadda ummadda ay tahay guulweyn oo dowladan hada jirta ay ka shaqeysay isagoo u mahadceliyay madaxda howlgalka Amisom ee Soomaaliya sida ay ugu dhaga fududaadeen dalabka dowladda ee ah in ay baneeyaan xarunta jaamacadda umadda Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo howlihii ay qaban jirta xrunta.

“Xaruntii ugu weynayd ee Jaamcadda ummadda oo gacanta dib ugu soo noqotay wax weyn ayay ka dhigan tahaya”, ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan

Michael Keating oo ka qeybgalay munaasabadda dib ula wareegista xaruntii ugu weynayd ee jaamacadda ummadda ay wax weyn ka dhigan tahay, in kasta oo ay jiraan dhibaatooyinkii amni darro, hadana ay tahay in xarumaha waxbarasho ay noqdaan goobo madani ah oo xaalad caadi ah ay ka jirto.

Si kastaba, ardayda Soomaaliyeed ayaa maanta u baahan xarumo farabadan oo ay ka helaan waxbarashada jaamacadda iyadoo baahida ugu weyni ay tahay tayada waxbarashada oo dalka aad ugu sii yaraaneysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close