WararkaWarbixinno

Aqoonyahan Maxamed Cirbad oo Ka Hadlay Cidda Ugu Badan ee ay Ku Dhacayso Dhibaatada Internet la’aanta ah ee Dalka Ka Jirta  

Maxamed Cabdirisaaq Faarax “Cirbad” oo ah khabiir dhanka teknolojyadda ah oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog Business oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo nolosha inteeda badan ay ku tiirsan tahay internetka isla markaana khasaaraha ugu badanna ay waajahayaan shirkadaha ugu waaweyn ee isgaarsiinta iyo Bankiyada dalka.

Waxa uu tilmaamay In ay muhiim tahay shirkadaha waawayn iyo Bankiyadu in ay helaan internet, haddii kalena khasaarahoodu uu noqon doono mid aad u baaxad leh:

“Internet la’aanta hadda ka jirta dalka, khaasatan ganacsiga inta ugu badan iyo noloshu way ku tiirsan tahay hadda xawaaladihii iyo Bankiyadii, shirkadihii ganacsiga iyo isku socodkii inta badan dhaqaalaha way saameysay, waxaad moodda in maalinba inta kasii dambeysa in khasaaruhu uu sii badanayo, markasta oo ay raagto business-ka iyo qaabka uu usoconayo, haddii aysan dhicin in si dhakhsiyo ah howshan wax looga qaban ama dowladuna aaney si toos ah usoo faragelin waxaa laga yaabaa in khasaaraha uu sii socdo”.

Aqoonyahanku waxa uu tilmaamay in dhiibaatada ugu badan ay haysato shirkadaha waaweyn iyo Bankiyada oo khasaaro ku dhaw 90% dhanka internetka uu kasoo waajahay:

“Waxaa jiro shirkado waaweyn sida Bankiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta oo hadda gashaday internter Satellite ah 80-90% waa ka qaalisan yahay khadkii hore, waxaa laga yaabaa halkii MB dhowr boqol oo dollar ku heli jireen uu hadda ugu kacayo kumanaan doollar, halkaa waxaad ka dareemi kartaa sare u kaca iyo khasaaraha ka imaan kara aadbuu u badan yahay, laakiin haddii dowladda iyo ganacsatay howlahan faraha kula jiraa ay toos u farogashtaan oo si dhiirran loo galo howshaan waxaan rajeynayaa inshaa Allaah in khasaaraha la joojin doono howshaana wax laga joojin doono”.

Si kastaba, Internetka ayaa ka go’aan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo Labaataneeyo cisho ah ku dhaw, waxa uu go’ay 24 bishii hore ee June illaa iyo haddana lagama war hayo xilliga uu soo noqonayo, taas ayaa walwalbadan ku abuurtay shaqaalihii internet maalka ahaa ee la’aantii howlgabka noqday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close