Wararka

Machadka HANO Academy oo Deeq Waxbarasho Siiyay Ardayda iyo Macallimiintii ku Guuleystay Tartan Aqooneed Lagu Qabtay Muqdisho

Machadka Hano Academy ayaa deeq waxbarasho guddoonsiiyay ardaydii iyo macallimiinta iskuulaadkii ku guuleystay tartan aqooneedyo ka dhacay gudaha muqdisho bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Munaasibadda deeqaha waxbarasho lagu gudoonsiinayay oo lagu qabtay hoolka Machadka HANO ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, madaxda urrurada bulshada rayidka ah, mas’uuliyiin ka socda qaar ka mid ah jaamcadaha ku yaalla caasimadda, arday iyo marti sharaf kale oo farabadan.

Deeqda oo gaareysay illaa 15 ayaa waxaa la gudoonsiiyay barayaal ka kala socday dugsiyada Imaam Maalik, Al Nashaad  iyo Axmed Gurey ,kuwaa oo kaalmaha hore ka galay tartan cilmiyeedyo intii lagu guda jiray bishii barakeysneyd ee Ramadaan lagu qabtay Muqdisho.

Dr. Sacdiya Siyaad oo ah maamulaha machadka HANO Academy oo deeqda waxbarasho bixiyay ayaanu ka wareysanny dhammaandkii kulanka ay ku qabatay gudaha macahadka, waxaana aan wax ka weydiinnay kulanka iyo ulajeedadiisa:

“Waxay ku saabsaneyn deeq waxbarasho oo aan siineynay ardayda dugsiyada sare oo ku raayeen tartan sanad dugsiyeedka ee loo qabtay bisha Ramadaan, iskuulaadkaas oo kaalinta 1aad, 2aad illaa 3aad galeen, ayaan siinnay tabarucaad waxbarasho iyaga iyo macallimiintoodiiba, annagoo rabno inaan ku dhiirigelinno mujtamaceenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waayo waddankeenna burbur xun ayaa ku dhacay, waxana ugu muhiimsan inaan maalgelin kasta aan suubineyno dhinaca waxbarashada gaar ahaan dhanka farasamda oo muhiim ah oo aad waddanka loo dayacay”.

Waxay ka hadashay deeqda waxbarasho iney tahay mid gudaha ah, laakiin aad u tayo fiican:

“Deeqda waxbarasho waa mid gudaha ah, runtii waxaan kasoo horjeednaa in dhaqaalihii waddanku u baahnaa meel kale la geeyo, aqoontii dibadda inaga jirtayna waxaan rabaa in waddanka dib loogu soo celiyo, macallimiin ajaanib ah ayaan keenaynaa qaarna way noo joogaan iyo macallimiinteennii kale ee Soomaalida ahayd oo khibrad wayn leh ayaa joogaan machadka HANO Academy  iyaga ayaan waxbarashadaas dhiibaayaan”.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay tartan aqooneedyo ay soo abaabuleen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahayd Goobjoog Media Group oo lagu maamuusayay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close