Wararka

Dad Nolosha Ka Dhacay Ma Jiraan!!

 Waxaa xaqiiqo an iney jiraa dad doqomo lagu tilmaami karo  oo aan fahamsaneyn nolosha qiimaheeda isla markaana aan sidii la rabay uga faa’ideysan, sidaa darteed magacyo badanna ay dadku u bixiyaan. Laakiin marka aan dadka la dhaqmeyno waxaa kuu habboon in qof kastaa uu agtaada ka dareemo inuu qiimo ka leeyahay.

Marka uu qofku arko inaad fududeysanayso waxaa burburaya dhammaan xiriirkii habboonaa ee qofkaasi kula yeelan kari lahaa, isku day kasta oo aad markaa kadib ku kasbataana waxa uu ku dhammaanayaa fashil, maxaayeelay waa qof aad dareenkiisa horey u soo dhibaateysay.

Halkan looma jeedo inaad munaafaqnimo ku dhaqanto amaba qofku marka uu kaa tago gadaashiisa aad ka xamato, dadka kula dhaqan akhlaaq wanaagsan, intaa waxaa sii dheer dareensii muhiimadooda nolosha, dadkana kula dhaqan sida aad adigu dooneyso in laguula dhaqmo.

Qoraagii weynaa iyo cilmibaarihii reer Mareykan ee Del Carnage ayaa  qadarinta iyo qiimeynta dadka kale waxa uu ku tilmaamay sirta ugu weyn ee dad la dhaqanka, qofka ku guuleysta ixtiraamka dadka kale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay qof tallaabo ballaaran u qaaday inuu dadka quluubtooda hantiyo.

Caalimka cilmi-nafsiga ee Jon Douai ayaa waxa uu yiri; “Dhiirigelinta ugu weyn ee aadanahu uu ka helo naftiisa waa inuu noqdo qof wax tar leh”. Dadka meel sare tiigsaday dunidan dadaallo dheeraad ah ka sameeyay waxa riixayay waxa ugu weynaa in la sheego oo dhimashadooda kadibna aan la illoobin.

Caalimkii reer Masar ee ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize  ee Axmed Zuweyl ayaa laga hayaa hadal xikmad leh, waxa uu sheegay in annaga iyo reer galbeedku aan ku kala duwan nahay in reer galbeedku ay yihiin kuwo doqonkooda niyadda u dhisa oo si wanaagsan ula dhaqma illaa uu fariid  waxqabsan kara ka noqdo, halka annagu aan fariidkeenna niyadda ka jabinno illaa uu doqon ka noqdo.

Si kastaba, waxaad ogaataa in qofka dunida ku dhaqan uu Alle qiimeeyay, waxa uu kaa qaadan kaaraana ay tahay inaad qadariso. Haddii kale waxaad ogaataa inaadan adiguna waxqadarin ah agtiisa aadan ku yeelanayan haddii uu dhankaaga ka waayo.

qof xun ma jiro

 

MaandeeqFM

 

Related Articles

Close