Wararka

 Madaxweyne Farmaajo: “Waxaa Qorshe  Inoo ah inaan Soo Saaranno Biyaha Dhulka Hoostiisa Ku Jira”

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay istiraatiijiyadda mudada fog ee lagula dagaalamayo abaaraha dalka muddooyinkii dambe kusoo noqnoqday, waxa uuna sheegay in ay ku talo jiraan in lasoo bixiyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira.

Madaxaweynaha oo hadaljeedin ka sameeyay xarunta golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo farabadan oo ay ku jiraan ka hortagga abaaraha soo noqnoqday. Waxa uu xusay in xoolihii dalka intoodii badneyd ay dhamaadeen, sababo jira awgeedna aan rajo badan laga qabani in dadkii abaartu qabsatay ay si degdeg ah ku soo kabsadaan.

“Dadka abaartu qabsatay rajada laga qabo iney soo kabsadaan aad ayay u yar tahay dhowr sababood darteed, Roobabkii dalka ka di’i jiray oo yaraaday, xaaluf iyo nabaadguur ka dhashay dhirtii la jaray iyo dhuxushii la shitay, isbedelka cilmillada oo Soomaaliya ay la qabto adduunka, abaartan gurmadku waxa uu ahaa mid taariikhi ah, qeybaha bulshada sida dumarka, dhalinyarada, ardayda jaamacadaha, shaqaalaha, dhakhaatiirta, qurbo joogta iyo culumadaba kaalin ayay ka qaateen sidii walaalahooda ay u gacan qaban lahaayeen”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxa uu ka hadlay istiraatiijiyadda dowladdiisa oo ay tahay in laga shaqeeyo:

“Abaartii waa la xakameeyay, laakiin Abaartu waa mid joogto ah, waxaana loo baahan yahay inaan helno aragti dheer oo ka sii durugsan gurmad iyo badbaadin oo ah waxa inaga caadi noqday sanadihii ugu dambeeyay, haddii xowliga ay abaaruhu u dhacayaan ay soo noqnoqneyso, haddii aan ognahayba roobabka lagu tiirsanaankaro ay yaryihiin, mar haddii wabiyadii biyuhu ay yaraadeen, mar haddii ay yaraatay abuurashadii beeraha Soomaali maxaa dan u ah, waxaan u baahan nahay istiraatiijiyad qaran oo abaaraha iyo xaalufka si kama dambeys ah uga adkaanno cunto naga badanna aan u soo saaranno, waxaa qorshe inoo ah inaan soo saaranno biyaha dhulka hoostiisa ku jira, tan waa midda istiraatiijiyadda inoo ah oo annaga aan ka shaqeyn karno”.

Ugu dambeyn, istiraatiijiyaddan ayaa ah tan kaliya ee ugu macquulsan ee dalka iyo dadkana dan u ah, waa hadii laga dhabeeyo oo ceelal farabadan oo riig ah laga qodo dhulbeereedka, daaqsin fiicanna loo helo xoolaha oo ah hantida kaliya ee aan hadda gacanta ku haysanno.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close