WacyigelinWararkaWaxbarashada

3 Arrimood oo Dadka Dhibaatadooda Looga Badbaado

Sidee dadka dhibaatadooda looga badbaadaa waa su’aal dad badan is weydiiyaan gaar ahaan marka ay la arkaan waxyaabo ka yaabiya oo  ay kala kulmaan dadkii ugu dhawaa amaba ay dunida ugu jecelaayeen.

Xaatim al-Asam ayaa waxa uu usoo martiyay imam Axmed binu Xanbal, markii uu marti sooray kadib ayaa waxa uu weydiiyay imaamku su’aal ahayd sidee dadka looga nabadgalaa?

Xaatim ayaa ku jawaabay, saddex shey ayaa dadka looga badbaadaa:

1 – Hantidaada sii, toodana ha weydiisan.

2 – Xaqooda si waafi ah usii, kaagana haka dalban.

3 – Dhibaatadooda u samir, wax dhibaato ahna ha u geysan.

Tilmaamaha lasoo sheegay dhammaantood aad ayayd u adag yihiin oo marka ay wax kaa baxaan waxaad jeceshay bedel inaad hesho, haddii aad xaqa dadka iska ilaaliso waxaad jeceshahay in kaagana laguu oofiyo, haddii dadku ay kaa nabadgalaan waxaad jeceshay in adigana aan lagugu soo xadgudbin. Laakiin waxyaabahaas oo dhan marka aad u adkeysato ayuunbaad dad ka badbaadeysaa.

Si kastaba, inaad dadka ka badbaadaa wey adag tahay ee wax siismana haka filin, xaqaagana inaad ka hesho waa ku adag tahay, inaad dulqaad badan yeelato ayaana ugu muhiimsan, maxaayeelay, dabeecadda dadka ayaa sidaas ah.

saddex arrimood

Maandeeq FM

Related Articles

Close