WararkaWaxbarashada

Ceel Biyihiisa Lagu Qarasbaxo oo Ku Yaalla Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho

Degmada Xamar-weyne gaar ahaan masjidka Xaaji Cali, ceel ku yaalla ayaa dadbadan oo dagamadaasi ka tirsan u doontaan biyaha Masaajidka si ay isku qarasbixiyaan.

Goobjoog TV oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa booqatay ceelka oo ay dad badani dhaansanayeen biyaha ceelka oo la sheegayo in muddo dheer dadku caafimaad ahaan u isticmaali jireen.

Malaaq Cabdullaahi Cabdulqaadir oo in muddo ah ceelkaa biyihiisa caafimaad ahaan u isticmaalayay ayaa sheegay:

“Biyahan mooyaane wax kale ma cabo, kaniini ma cabo, guryahaan dhow ayaan daganahay meeshaan ayaan ku dhashay wax kale oo aan isticmaalo ma laha. Masaajidkan Xaaji Cali ayaa la dhahaa faa’iidooyin badan ayaan aniga xaggeyga ku arkay, biyahan haddaan cabo waan ku caafimaadaa, waxaan wax hadda ah ma ahee waalidiinteenna ayaa isticmaali jirtay”.

Sidaas oo kale, Maxamed bin Cali Uunsane ayaa isaguna dhankiisa sheegay in dhaqan ahaan ceelka muddo dheer biyihiisa loo adeegsan jiray qaras baxa, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Meeshaan odayaasheennii waxay dhaqan ahaan u imaan jireen ceelka biyihiisa iney cabaan, waxayna u cabi jireen inuu caloosha wasakhda ka bixiyo, inta kuba cabi jirin guriga ayay geysan jireen, wey ku baashaali jireen, baaquli ayaa lagu dhex shubi jiray, tartiib ayay u cabi jireen, Bun khashirka la cabo ayaa lagu dhex shubi jiray si ay u nadiifiyaan, illaa iyo hadana dadku way cabaan”.

Si kastaba, Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in maadama cusbada ah ee ku badan biyahaas ceelka ay keenayso qarasbaxa, sidaa darteedna cilmi ahaan ay suurtogal tahay in biyahaasi ay caloosha u roon yihiin.

ceelbiyood lagu qaras baxayo1

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close