Wararka

Maamulka Daladaha Waxbarashada  Dalka Qaarkood oo Soo Dhaweeyay ansixinta Sharciga Waxbarashada Guud

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii meel marisay sharciga waxbarashada dalka oo golaha wasiirrada ay soo hordhigtay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee D.F. Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in la ansixiyaya sharciga waxbarashada guud ee dalka, kadib shirkii wasiirrada ee Khamiistii ku qabsoomay magaalada Kismaayo isagoo saxaafadda la hadlayay ayaa waxa uu yiri:

“Sharciga waxbarashada guud ee dalka waxa wasiirka waxbarashadu usoo gudbiyay golaha wasiirada, dood dheer iyo falanqeyn kadib golaha wasiirradu waxay ansixiyeen sharciga waxbarashada guud oo runtii waxbadan ka tari doona sidii shakhsi kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah u heli lahaa waxbarasho iyo sidii manaahijta loo mideyn lahaa”.

Hadaba, madaxa maamulka iyo maaliyada ee dallada waxbarashada ahliga ah ee SOOF Cali Maxamuud Siicow oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa soo dhaweyay ogolanshaha golaha wasiirrada ee xukumada federaalka Soomaaliya ay ogolaadeen sharciga lagu hagay waxbarashada guud ee dalka.

“Sida wanaagsan ee caqliga aadanuhu uu sheegaayo, ummad haddii la rabo in lala shaqeeyo sharci la’aan shaqadoodu waa adag tahay, haddii aan sharci jirin waa la isku dhibtoonayaa, waa in la helo nidaam ay dadku ku kala joogaan, waxbarashada culeysyo badan ayaa ka jiray oo aad culeys ugu ahaa is fahamkeeda iyo socoshadeeda, markaa waan soo dhawaynaynaa haddii dhinaca wanaagsan laga fiiriyo, waxaan rajeynayaa in waxbadan ay u tari doonto is fahamka”.

Ugu dambeyn, sharcigan ayaa la filayaa inuu wax ka qabto tayada waxbarasho oo u muuqata iney guud ahaan dalka ka sii lumeyso. Iyadoo dad badanna ay aaminsan yihiin inuu sharcigani muhiim u yahay hor u socodka waxbarasho ee dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close