Wararka

Iskuulaadka Nidaamiga ah ee Baydhabo oo Baaq u Diraya Wasaaradda Waxbarashada DFS

 

Iskuulaadka Nidaamiga ah ee Baydhabo oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Ka Guuritaanka Ciidamada Ammisom ee xaruntii Gahayr ayaa ku ugu baaqay wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya in si degdeg ah loo howlgeliyo jaamacadda.

Xoghayaha guddiga Iskuulaadka nidaamiga ah ee magaalada Baydhabo Mukhtaar Maxamed Guuleed oo  Maandeeq FM la hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ay kaga guureen xaruntii ugu weynayd ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr waxa uuna sheegay in haddii loo baahdo dhismaheeda qeybta kaga soo aadda ay diyaar u yihiin oo ay ka qeybqaadan doonaan.

Xoghaya ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin in ciidmada Amisom ay ka guuraan xarunta Gahayr, waxaana uu yiri:

“Anigoo ku hadlaayo magaca guddiga iskuullada Nidaamiga ah ee magaalada Baydhabo ahna xoghayaha guud ee midowgaasi in Ammisom ay banneyso xarumihii jaamacadda Ummadda, gaar ahaan Gahayr aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay, sidoo kale waxaan rajeynaynaa qeybaha kale ee bulshadu ay iska lahaan jirtay in sidoo kale ay ku jiraan iney banneeyaan ayaan rajeynaynaa markaa aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay iney banneeyaan xarumihii bulshada loogu talogalay AMISOM.”

Xoghaye Mukhtaar ayaa tilmaamay in kaalinta ugu weyn ay tahay tan wasaaradda waxbarashada, laakiin haddii loo baahdo ay dowr ka ciyaari doonaan ka Baydhabo ahaan:

“Maadama ay Ammisom ay ku wareejisay wasaaradda waxbarashada Jaamacaddii Ummadda ee maamulkeedana ay ku soo celiyeen ganacteeda waxaan rajeynaynaa in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu loogu howgeliyo, si ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada sare kasoo baxayso ay uga faa’ideystaan jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, cid kasta oo ka qeybqaadan karta waxaan ka codsaneynaa iney ka qeybqaataan, mas’uuliyadda ugu horreysaana waxay saran tahay wasaaradda waxbarashada ee Federaalka, waxaan rajeynaynaa iney sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisidoonaan, dowrkeenna nagu soo hagaaga reer Baydhabo ahaan markeeda ayaan ka tashaneynaa, laakiin wixii waxbarasho Ummadda Soomaaliyeed wax lagu baraayo marwalba waan u taagannahay.”

Si kastaba, in dib loo hirgeliyo xaruntii jaamacadda Ummadda ee Gahayr ayaa ah arrin muhiim ah oo ay sugayaan in badan oo ka tirsan bahda waxbarashada, maadama ay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ay ku suntaneyd tayo waxbarasho iyo aqoonta heerkeeda sare.

Maandeeq FM

Related Articles

Close