TiknoolojiyadaWararka

Saameynta Taleefoonnada Casriga ah Ay Ku Yeesheen Footooyinka

Inaad hesho goob aad isku sawirto beri samaadkii  waxay aheyd tallaabo aan sahlaneyn  illeen waxaa faro ku tiris ahaa xarumaha la isku sawiro ee Footooyinka ah, sawirka kaliya ah in muddo ah in la sugaana waxay ahayd arrin iska caadi ah, mararka qaar in caddeynta sawirrada dibadda loo diro iyaduna layaab may ahayn.

Dalka si weyn ugamay faafsaneyn xarumaha la isku sawiro ee Footooyinka ah oo faa’ido dhowr ah lagu qabay xilligaas, maadaama aan looga maarmi jirin Passports-ka, ID-yada, xafladaha arooska iyo sawiradda xasuusta ah….

Dalka waxa uu soo maray sanado si joogta ah looga helo magaalada goobo la isku sawiro oo aan ciriir ka jirin, soo badashadooda ayaa dhalinyaro badan waxay u ahayd fursado shaqo oo ay quutul daruurigooda kasoo saartaan.

Hadaba,  Footooyinka waxaa heysta xilligan shaqo la’aan baahsan oo xitaa waxaa dhacdo in Footada aanuu soo gelin Hal qof oo loo shaqeeyo inta badan xilliyada shaqo ee caadiga ah, marka laga reebo xilliyada munaasabadaha oo mashquul aad ah ay noqdaan .

Sababaha ay hoos ugu dhacday shaqadii Footada iyo saameynta telefoonnada casriga ah ee Smartiga ah Footooyinka ay ku yeesheen waxaa uga waramay Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM, Cabdi Xasan oo ka hadlaya hoos u dhaca ku yimid habsami u socodka shaqo ee footooyinka waxaana hadalkiisii ka mid ahaan:

“Footada qaabkii ay u shaqeyn jirtay iyo qaabka ay hadda u shaqeyso isma lahan, qaabkii ay awal Footada u shaqeyn jirtay waxaa waaye in caruurta, gabdhaha iyo wiilasha dhammaan sawirro ayaa laga gali jiray, hadda sida ay u soo baxeen telefoonnada casriga ah waxaa yaraaday shaqadii Footada”, ayuu yiri Cabdi Xasan oo shaqadiisu tahay footada.

Inta badan dhallinyarada uma baahna in ay tagaan Footooyinka sida ay sheegayaan da’yarta qaar oo ku dhaqan  magaalada Mugdisho:

“ Maanta halkaan waxaan u imaaday in aan sawir ku galo , Footada waxaa noogu dambeysay sanadkii 2010 kii, haddana sawirrada waxaan ku galnaa telefoonka Footada waxaa laga yaabaa in ay lacag badan iiga baxdo, balse telefoonka aniga ayaa leh lacag iiga bixi meyso. Noloshii dhameed sidii hore way ka soo guurtay waxaad arkeysaa meelihii lagu qaadi jiray sawirrada oo aad u sii yaraanayo “.

Shaqsi walba waxa uu nolol maalmeedkiisa  ku soo saartaa shaqo uu fahmayo micnaheeda tusaale waxaa jira dad ka ilma korsaday shaqada Footooyinka sawir qaadista iyo muuqaal sameynta ayay iskugu jirtaa shaqada Footada .

Marka laga tago sawirrada la iskaga qaado goobaha bilicda wanaagsan,  telefoonnada casriga ah  waxa ay saameyn shaqo oo aan wanaagsaneyn ku yeesheen shaqadii Footooyinka kuwaas oo dadka qaar ay ka raadsan jireen nolol maalmeedkooda.

Haddii aad maqli jirtay Footo Gacaltooyo iyo Walaalaha oo waagii hore caan ka ahaa magaalada Muqdisho marka la eego kaalinta Footooyinka, hadda waxaa bedelay telefoonka casriga ah ee loo yaqaanno Smartiga oo noqday Footadii oo aad jeebkaaga ku wadato.

W/D: Cali Aadan Mu’min

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close