arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Adeeggii Internet-ka oo Ugu Dambeyn Dib Loo Helay Koonfurta iyo Bartamaha Dalka

Waxaa maanta dib usoo noqday adeeggii Internetka Fiber Optic oo muddo bil ku dhaw ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Adeegga Intertent-ka ee Fibre-ka ayaa ku dhawaad muddo 22 cisho ah ka maqnaa inta badan dalka iyadoo ay ka dhasheen gaabis dhanka adeegyadii bulshada oo qaarkood u joogsaday internet la’aan. Dhinacyadii uu saameeyay waxaa ka mid ahayd, waxbarashada oo ardaydii online-ka wax ku baraneysay ay ka dib dheceen waxbarashadooda, kuwii cilmibaarista ka sameynayna ay ku dhibaatoodeed helidda adeegyadii  ay ka heli jireen dhanka Internetka.

Si kastaba, soo noqoshada adeegga internetka ayaa ka dhigan in mar kale si fiican ay u dhaqaaqi doonaan dhammaan adeegyadii bulshada ee xiriirka tooska ah iyo kan dadbanba la lahaa internet-ka iyadoo farxad badan laga dheehanayo wajiyada dhalinta waxbarashada iyo kuwii kale ee sida aadka ah ugu xirnaa baraha bulshada.

Ugu dambeyn, Adeegga  Fiber Optic-ga ayaa waxaa dhibaato u geystay, sida la sheegayo, markab laga leeyahay dalka Masar oo fiilladiisa jaray, iyadoo markii horena aaney jirin back up lagu badbaado oo Fiber-ka uu ku howlgalo Hal Cable oo kaliya adeeggu yahay, walina mushkiladdii  wey taagan tahay oo daqiiqad kasta waxaa la filan karaa xaalad cusub.

Maandeeq FM

Related Articles

Close