arrimaha bulshadaWararka

Akhriso: Taariikhda Masjidka Isbaheysiga Oo Kooban

Taariikhda masaajidka isbaheysiga oo kooban ayaa Goobjoog TV oo ay Maandeeq FM bahwadaag yihiin waxa uu ka wareystay Imaamka Masjidka Sheekh Shariif Culusow oo sheegay in masjidka uu dhisay boqorkii Sucuudiga ee hore oo nafaqadiisa gaarka ah ka bixiyay kharashka Masjidka.

Masjidka Isbaheysiga waxa uu ka mid yahay masaajidda ugu caansan  gudaha dalka, waxa uu ku yaallaa ka soo horjeedka xarunta golaha baarlamaanka ee degamada Waaberi.

Meesha uu  ka dhisan yahay masjidkaan ayaa waxaa lagu sheegaa in ay ahaan jirtay qabuuro iyada oo markaas dowladdii dhexe  ee Soomaaliya guddi u saartay in laburburiyo qabuuraha lagana dhiso masjidkaan oo loo bixiyay magaca Isbaheysiga.

Sheikh Shariif Culusow  waxa uu 27 sano imaam ka ahaa masjidka isbaheysiga isaga oo illaa iyo hadda wali ka ah imaam waxaa uu nooga waramay xilligii la dhisay masaajidkaan iyo cidda dhistay.

“Masjidka sida ku qoran documentigiisa aan anagu gacanta ku haynno, waxaa ku qoran in la dhisay 1976, waxaana dhisay boqorkii Sucuudiga xilligaas boqorka u ahaa ee la dhihi jiray boqor Faysal, nafaqadiisa iyo kharashkiisa khaaska ah ayuuna ku dhisay, markii uu dhisayna waxaa xarigga ka jaray wasiirkii arrimaha dibadda ee uu dhalay boqorka oo magaciisa Sacuud al-Faysal la dhihi jiray, markii la dhameeyayna waxaa lagu sallimay oo gacanta loo geliyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas waxaa wasiir ka ahaa Sheekh Xasan Cabdullaahi Faarax”.

Agaasimihihii ugu horreeyay ee masaajidka ayaa waxa uu ahaa Sh. Aadan Sh. Cabdullaahi Cali oo aad ay dadka Soomaaliyeed ugu yaqaanaan tafsiirka Qur’aanka oo laga sii deyn jiray Radio Muqdisho,  waa sida uu noo sheegay imaam Shariif:

“Intaa markii laga soo gudbo, waxaa masjidka culumadii joogtay ugu horreeyay Sheekh Aadan Sh. Cabdullaahi Cali ayaa loo magacaabay agaasime guud inuu masaajidkan ka noqdo oo madaxweynihii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre uu magacaabay.”

Sheekh Shariif imaamka masaajidka waxa uu sheegay in qalabkii masaajidka lagu furay qaar ka mid ah ay hadda faraha ku hayaan iyadoo ay dad dhexda u xirteen inaan masaajidka la bililiqeysan:

“Hantidiisii iyo qalabkiisii waagii Maxamed Siyaad lagu furay ayaa hadda yaalla sida ambalfaayarka sameecadda ee hadaba shaqeynaya iyo gogoshiisii hore qaar ka mid ah oo maktabadda kore taalla, document-yadiisii sidii bay u yaalliin, sidaas awgeed wuu nagabgalay waa lagu dadaalay, lama bililiqeysan naf iyo maalba waa loo huray”.

Masaajidka ayaa dib u dayactir lagu sameeyay Labo sanno ka hor oo dowladda Turkigu ku sameysay:

“Sidii ayaa xukuumadihii kala dambeeyay hadba ay noogu imaanayeen, illaa maanta laga soo gaaro, oo dayactir ay ku sameeyeen dowladda Turkiga oo aan walaalo nahay, dayactir fiican ayay ku sameeyeen, Labo sanno ka hor ayuuna dayactirkoodu dhamaaday. Intaa wixii ka dambeeyay innaga iyo walaaladeenna kale ee muxsiniinta ah ayaa ku dadaalenay, hadda markii ugu dambeysay muraayadihiisa oo jajabay ayaa dayactir lagu sameeyay, dadkaa Jimcooyinka yimaadda ayaa laga codsaday wayna bixiyeen, waanan uga mahadcelinayaan inuu Illaahay ajar iyo thawaab ka siiyo”.

Ugaas Cabdiweli waxa uu ka mid yahay jaamacada ku xiran masjida waxa uu xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka codsaday, gaar ahaa wasaaradda Awqaafta iney daryeelka masaajidka si goonni ah  ay iskaga xil saaraan.

“Runtii waxaan u dardaarmi lahaa dowladda masaajidkani waa masaajidkii xukuumadda, waa masaajidkii Isbaaheysiga, wasaaradda Awqaafta iney masaajidka gacanta gacanta ku hayso, iney ka warqabaan ganacsatay illeen Baytkii Illaahay weeyaane oo aan dowladda oo kaliya ayaan lagu halleyn, shacabka Soomaaliyeedna ay si guud iyo si gaar ahba uga warqabaan”, ayuu yiri Ugaaska.

Si kastaba, masaajidka Isbahaysiga ayaa ka mid ah masaajidda ugu magaca dheer dalka oo meel kasta oo ay Soomaali dagto aad looga yaqaannaa, laakiin waxaa magaalada Muqdisho ka dhisan masaajid kale oo taariikhi ah oo aad u facweyn oo qaar kood ay dhisnaayeen boqolaal sanno ka hor sida masaajidka Arbaca-Rukun oo kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close