Wararka

Wasaaradaha Waxbarasho ee Dowlad Goboleedyada Qaar oo Ku kala Aragti Duwan Sharciga Waxbarashada Guud ee DFS

Kulankii u dambeeyay ee ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee xukumada Soomaaliya ee Khamiistii ayaa waxa ay ku meelmariyeen sharciga waxbarashada guud ee dalka waxaana kadib meelmarintaasi soo baxayay aragtiyo kala duwan oo laga bixinayay sharcigaasi khuseeya waxbarashada dalka.

Maandeeq FM ayaa wax ka weydisay sida sharcigaasi ay u arkaan wasiirada waxbarashada ee qaar kamida maamulada dalka ka jira sida; wasiirrada waxbarasho ee Galmudug iyo K/Galbeed.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Ibaraahim Xasan Guureeye, ayaa noo sheegay in wasaaraddu aaney kala tashan sharcigan isla markaana qeybo badan oo ka mid ah ay cabasho ka qabaan:

“Sharcigan Tacliinta ee golaha wasiirradu ay ansixiyeen, waxaa wanaagsaneyn in wasaaradda waxbarashada federaalku ay wadatashi kala sameyso maamulgoboleedyada, kolley waxaa lagama maarmaan noqon doonta in baarlamaanka la horgeeyo, laakiin waxaad mooddaa inta ay iskood u diyaariyeen iney haddana iskood u horgeeyeen golaha wasiirrada, arrintaasna waa mid aan wax ka tabaneyno ka Galmudug ahaan aan wax ka tabaneyno weeyaan, meelo badan ayaa wax ka bedel lagu sameyn lahaa oo laga tashan lahaa, markaa si wadajir ah”.

Waxa uu sheegay in xaalka waxbarasho ee dalku u baahan yahay in laga wada tashado arrin kasta si tallaabo mideysan loo wada qaado, teeda kalana waxbarashada hoose oo dhan aan lagu farogelin maamulgoboleedyada:

“Xaalka waxbarashada dalka waxa uu u baahan yahay wadatashi, waxa uu u baahan yahay in laga mideysan yahay waxwalba, federaalkuna uu bixiyo wixii waxbarasho sare ah, wixii hoosena ay shahaadadiisa ay bixiyaan maamulgoboleedyada, shahaadadan kale ee dalladaha ee qofku uu Labada shahaado isku qaadanayana dugsiga sare waa iney meesha ka baxdo, oo meesha ay ku harto dowladda dhexe oo kaligeed ay shahaadada bixiso”.

Dhanka kale,Wasiirka waxbarashada ee  maamulka Koonfur galbeed, Saadaad Maxamed Nuur ayaa dhankiisa kaga ra’yi duwan wasiirka waxbarashada Galmudug, waxa uu sheegay in arrimaha tiknikalka ah ay tahay in laga wada xaajoodo xaalad kastana aan la siyaasadeyn:

“Barnaamijkani mid maanta iyo shalay bilowday ma ahayn, mid soo socday ayuu ahaa, wadatashigaasina waa jiray, walow ay suurtagal tahay maamullada qaarkood waxyaabaha ay ka cabanayaan inuu iska jiro, hadana waxaa fiican waxa maadama ay yihiin wax guud oo dalka oo dhan loo wada wado, dowladda federaalkana  aan innagu u wakiilannay iney hormuud inoo ahaato oo ay ka shaqeyso, waa fiican waxyaabaha tiknikal ah in si hoose loo xalliyo oo aan la siyaasadeynin oo lanama tashanna aan la dhihin ayaan qabaa anigu”.

Ugu dambeyn, waxaa muuqata in isku dhacyada dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ay ugu wacan tahay gaabiska ku jira dastuurka iyo sharciga federaalka oo kala qeexi lahaa awoodahada dowladda dhexe iyo tan maamulgoboleedyda ee dhinacyada waxbarashada iyo dhinacyda kala duwan ee dowladnimada dalka.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close