WararkaWaxbarashada

Qaramada Midoobay oo Malaayiin Doolar Ku Bixineysa Shaqo-abuurka Dhalinyada Soomaaliyeed

Qaramada midoobay ayaa malaayiin dollar ku maalgelinaysa shaqo abuurista dhalinyarada  Soomaaliyeed, iyadoo loo maalgelinayo Kalluumeysiga , Beeraha, Hal-abuurka ganacsi.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mechael Keating ayaa sheegay in dhalinyarada la magaalgeliyo ay micneheeda tahay mustaqbalka Soomaaliya oo la maalgelinayo:

“Shaqo la’aanta dhalinyarada waa mid walaac weyn leh. Heerka waxabarashada oo hooseeya helitaanka xirfado iyo fursado tababar waa dhibaatooyinka dhabta ah ee saameynta aan wanaagsaneyn ku leh dhalinta.”  ayuu yiri Keating.

Danjire Keating ayaa sidoo kale, sheegay in sababaha ugu weyn ee shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay isku dheelitir la’aanta waxbarashada iyo xirfadaha kale oo ay u baahan yihiin loo shaqeeyiyaasha. Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalintu u baahan tahay waxbarasho tayo leh oo shaqo wanaagsan ay ku heli karaan.

Qaramada Midoobay hadda waxaa ay ku maalgelineysaa $17.5 million oo doolar dhalinyarada Soomaaliyeed sidii xirfado shaqo loo abuuri lahaa; waxaana xirfadahaas kamid ah Caafimaadka, dhismaha guriyaha, Farsamada gacanta, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Hal-abuurka ganacsiga, waa sida aan kasoo xigannay warbaahinta DFS.

Ugu dambeyn, sida uu tilmaamayo ururka shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu badan ee shaqo la’aani hayso guud ahaan caalamka oo 33% dhaliyaradu ay yihiin kuwo aan shaqo haysan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close