arrimaha bulshadaWacyigelinWararka

Xeebta Geelaq ee Muqdisho oo Qeyb Ka Mid ah Bilicdeedii Dib u Heshay

Xeebta Geelaq ee degmada Xamar-weyne waxay ka mid tahay meelaha loo dalxiis tagi jiray muddo badan iyada oo ka muuqato burbur  saameeyay dhammaan bilicda degmada Xamar-weyne waxayna noqotay xeebtaan meel qashin qub ah oo cagtu ku yaraato.

Xilligaan hadda la joogo waxaa laga dhisay darbiyo soo jiidasho leh oo ku haboon nasashada iyo dalxiiska,  waana arrimo horumar ah oo loogu talogalay in ay ka qeybqaataan soo nooleynta bilicda xeebta Geellaq ee degmada Xamar-weyne.

Xilliyada galbihii ayaad ku arkeysaa xeebtaan dad aad u faro badan kuwaas oo u soo damaashaad tagaya Geelaq si ay u helaan neecowda qabow ee ka imaanaysa dhinaca badda.

Saadaq Xuseen Gacal oo ka mid ah dhallinyarada u soo damaashaad tagtay xeebta Geelaq ayaa noo sheegay sheegay in uu meel fog uga yimd xeebtaan qadiimiga ah daawashadeeda iyo neecawdeeda.

“ Waxaan ka mid ahay dhallinyarada degan Xamar ,waxaan ku faraxsanahay maanta in aan halkaan imaado booqashana aan u imaado Geellaq, meeshaan in qashinka laga qaado oo datjiinno laga dhiso nasiinana lagu qaato aad iyo aad ayay u fiican tahay” ayuu yiri Saadaq.

Leylo Xuseen Gacal oo ka timid dalka dibaddiisa ayaa ka mid aheyd dadkii booqashada u tagay xeebta Geellaq oo hadda ay soo laabaneyso bilicdii ay laheyd bari samaadkii, Leylo ayaa noo sheegtay in ay ku faraxsan tahay is bedelka laga dareemayo goobaha loo dalxiis tago oo uu leeyahay dalka

“Waxaa ka imid waddanka Switzerland, waxaan u arkaa meeshaan in uu ka jiro is bedel dib u habeyn iyo nadaafad, aniga markaan baxayay waxaa baxay anigoo yar aad ayaa ugu faraxsanahay in waddankeenna uu is bedel wanaagsan uu ka dhacay ”, ayay tiri Leylo.

Xeebta Geellaq  waxaa ka soo horjeeda kawaanka Kalluunka ee degmada Xamar-weyne waxayna soo martay xeebtaan marxalado kala duwan kuwaas oo lumiyay quruxdii ay laheyd bari samaadkii .

Si kastaba, xeebta Geellaq ayaa ahayd meel si fiican loogu dabaasho, gaar ahaan ay yimaddaan dadka dabaashu ku cusub tahay, waxayeelay waxa lagu heli jiray  meelo ay biyaha baddu ku soo rogmadaan oo aan khatar badan lahayn.

bilicda xeebta liido

Maandeeq FM

Related Articles

Close