arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Tukaha oo Qorsheeya Mustaqbalkiisa Si La Mid ah Aadanah!!

Tukaha waxaa lagu yaqaannaa inuu caqli dheer yahay shimbiraha kale, daraasad cusub oo la sameeyay ayaa sheegaysa in uu mastaqbalkiisa u qorsheeyo si ka fiican ilma yar oo 4 sano jir ah.

Noocyo ka mid ah Tukaha ayaa waxay leeyihiin odorska mustaqbalka oo waxa soo socday si fiican u saadaalin kara iyagoo leh sida la tilmaamayo “Fakarka Dahabiga ah”, sidaas oo kale waxa uu awood u leeyahay shimbirkaasi inuu xakameeyo dareenkiisa si uu u dib dhigo baahiyadiisa qaar.

Horey waxaa loo aaminsanaa in qorsheynta mustaqbalka ay ku kooban tahay oo qura Aadanaha iyo Daanyeerka noocyo ka tirsan, waxaana la sheegaa in waayo aragnimo badan oo is biirsatay ay sabab u tahay koboca xirfadda odorska ee dhanka Tukaha.

Cilmibaaryaal ka tirsan jaamacadda Lund ee dalka Sweden ayaa arkay in Tukuhu uu awood u leeyahay inuu qaato uu dhamaystiro barashada aqoonta heerkeeda sare, arrintaas oo horey loo aaminsanaa iney ku kooban tahay aadanaha oo qura, sidaa si la mid ah waxa uu Tukuhu awood u leeyahay inuu qorsheeyo mustaqbalka, laakiin natiijooyinka la gaaray waxay ku kooban yihiin oo qura raadinta raashinka uu shimbirku uu aadka ugu baahan yahay.

Cilmibaaraha Cap Canadere ayaa yiri: “Maskaxda shimbiraha waxaa laga helaa tiro dhowr ah oo dareemoyaal  ah, laakiin Tukaha tiisu waxay kaga duwan tahay cufnaan badan oo lama filaan nagu noqotay”.

Tukaha ayaa tijaabooyin badan oo muhiim ah ay ku sameeyay culumadan cilmibaarista sameysay waxayna arkeen in tijaabooyinkii la sameeyay 85% uu ku guuleystay oo uu ku baasay imtixaanaadkii la mariyay ee lagu ogaanayay awooddiisa dhanka maskaxda ee odorska iyo qorsheynta dhanka mustaqbalka.

Si kastaba, daraasaddan cusub ayaa daaha ka rogtay in Tukaha lagu arkay astaamo markii hore cilmigu uu qabay iney ku kooban yihiin aadnaah ama daanyaarka qaar uu wadaago.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close