arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Duuliye Sare Asli Xasan Nuur oo Dalka Dib Ugu Soo Laabatay

Duuliye Sare Asli Xasan Nuur Cabaade oo aheyd haweenaydii ugu horreysay ee Soomaaliya duuliye diyaaradeed ka noqotay ayaa maanta dib ugu soo noqtay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee SONA, Asli ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ay hor kacayso guddoomiye Batuulo Axmed Gabale.

Asli Xasan Nuur ayaa dareenkeeda la wadaagtay dadweynihii ka qeybqaatay soo dhaweynteeda, waxayna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dib u soo laabashada magaalada:

“ Waad mahadsantihiin sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen waana ku faraxsanahay in aan maanta ku soo laabto dhulkeyga hooyo, dhamaantiina waan idinkaga mahadcelinayaa”, sidaasi waxaa tiri Asli Xasan Nuur.

Ugu dambeyn, Asli ayaa ka mid ah dadka taariikhda ku leh dalkeenna maadaama ay noqotay haweenaydii ugu horreysay ee dalka duuley ka noqota 9 September 1976-ka oo ay ka kaxaysay diyaarad nooceedu yahay sasna 150.

Maandeeq FM

Related Articles

Close