DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Magaalada New York oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan ah Jiirka oo loo Qorsheeyay 32 Milayn oo Doolar

Magaalada New York ayaa ku dhawaaqday Arbacadii 13 July 2017, tallaabo ku kacaysa 32 milyan oo dollar si loo dhimo tirada Jiirka(Doolliga) ee magaalada 70%, xaafadaha Brooklyn, Bronx and Manhattan oo ah digaannada uu dhibaatada ugu badan ku hayo Jiirka.

Jiirka ayaa loo aqoonsan yahay inuu dhibaato xoogleh ku yahay caafimaadka uuna yahay gudbiyaha cudurada khatarta ah dabargeynna ku haya aadanaha.

Xafiiska Mayerka magaalada New York ayaa sheegay in magaalada ay la kulantay bilowgii sanadka 2017 in ka badan 10 kun oo cabasho ay dadku ka sheeganayaan waxyeellada Jiirka, 15% oo an in ka badan 24 kun oo dhisme oo baarintaan lagu sameeyay xaafadaha Brooklyn, Bronx and Manhattan ayaa laga helay raadka waxyeellada jiirka.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa yiri, “Waxaan diiddan nahay in Jiirku uu ka qeyb noqdo nolosheenna caadiga ah ee magaalada”.

Waxa uu sheegay in tallaabadan lagula dagaalamayo jiirka ay bilaaban doonto September soo aaddan iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan qeyb ka tirsan amniga oo ay ku jiraan kuwa ka mas’uulka ah goobaha bullaacadaha ah iyo caafimaadka magaalada.

Madaxa maamulka Fayadhowrka New York Catherine Garcia ayaa dhankeeda sheegtay in : ” Wadada ugu fiican ee lagula dagaalamayo jiirka ay tahay in cuntada loo diido, waxaana taa ka qeyb ah in meesha laga saaro qashinka waddooyinka iyo guryaha”.

Magaalada New York ayaa la sheegaa iney ku noolyihiin 2 milayn oo Jiir ah oo nolosha la qeybsaday 8 milyan oo qof oo magaalada ku nool.

Si kastaba, Jiirka ayaa ah runtii xayawaan aad u khatar badan oo waxyaallo badan u geysta caafimaadka iyo ganacsiga waxaana habboon inaan la qabsan la noolaashihiisa oo aan sida ugu macquulsan kula dagaalanno.

NEW YORK, NY - JULY 4: A rat climbs out of a box with food in it at on the platform at the Herald Square subway station in New York City on July 4 2017. (Photo by Gary Hershorn/Getty Images)

Maandeeq FM

Related Articles

Close