iskuulladaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Warbixin: Wasaaradda Waxbarashada oo 41% Loo Kordhiyay Miisaaniyadda 2017 ee DFS

 Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan waxa ay golaha shacabka hor geysay miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee 2017-ka iyada oo isbedel ku sameysay qeybo ka mid ah kharaashaadka wasaaraha qaar waxaase koro 41% loo sameeyay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, waa marka loo eego sanadkii ka horreeyay ee 2016.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo golaha kasoo horjeediyay miisaniyadda 2017 ayaa xubnaha baarlamaanka u faahfaahiyay sababaha dib u dhaca miisaaniyadda iyo caqabadaha maaliyadeed ee haysta iyo cashuurtii bariga, tii maamul ee dowladda oo  sidii la rabay aan u soo xaroon.

Hadaba, waxaan dib u geesi ku sameynnay kharashaadka miisaaniydda ee wasaaradda waxbarashada ee sanadada 2016 iyo 2017, ma waxbaa kordhey mise xaaladdu waa sideedii?

wasaaradda waxbarashada

 

Layaabka Miisaaniyadda

Waxyaalaha layaabka leh ee miisaaniyadda ku jira waxaa kamid ah:

1 – Cutubka 4-aad ee miisaaniyadda, gaar ahaan bogga 10’aad, waxaa ku sawiran shaxda waxyaabaha ugu badan ee dalka loo soo dhaafiyo. Khudaarta (42%) ayaa lagu sheegay in ay tahay waxyaabaha ugu badan ee dalka loo soo dhoofiyo! Halka waxa 3’aad ee dalka loo soo dhoofiyana ay yihiin xoolaha!!

Miisaaniyadda waxaa ku xusan bilooyinkii ugu horreeyay ee sanadka (2017) uu hoos u dhacay 47% dakhliga dowladda uga soo xarooda khidmada maamulka. Waxaa meeshaas laga dhadhansan karaa in lixdii bilood ee lasoo dhaafay aysan dowladda u shaqeyn sidii laga rabay oo inta badan ay ku mashquulsaneyd doorashooyinka iyo xilal raadin/ka-qaadis.

2 – Dalka Sacuudiga ayaan sanadkan kasoo muuqan miisaaniyadda 2017, halka sanadkii hore uu ahaa deeqbixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka caawiyay dhanka miisaaniyadda. $20 milyan ayuu sanadkii hore ku kabay Sacuudiga miisaaniyadda Soomaaliya. Ka maqnaashiyaha Sacuudiga ee miisaaniyadda ayaa lagu macneyn karaa in Sacuudiga ka jawaab celinayo go’aankii Dowladda ay ku diiday in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Sacuudiga.

3 – Mushaarka shaqaalaha dowladda waxaa loo kala qaadaa Grade A,Grade B, Grade C iyo Grade D. Midba midka uu ka horreeyo ayuu ka mushaar badanyahay. Tirada guud ee shaqaalaha dowladda waa 5,526 qof, waxaa intaa sii dheer 45% (2,502) shaqaalaha dowladda waa Grade A oo macnaheedu waxaa weeye in 45% shaqaalaha dowladda ay qaataan wax ka badan $1,000 oo gunno iyo mushaar isugu jira.

4 – Arrinta layaabka leh ayaa ah in shaqaalaha dowladda ay xagga sare  u bataan halkii laga rabay in shaqaalaha dowladda ay u bataan dadka aan xilalka sare haynin!

5 – Bogga 10’aad ee miisaaniyadda, Dowladda waxa ay qirtay in badeecooyinka ugu badan ee ay Soomaaliya soo dagsato/dhoofsato ee aasaasiga ah ay yihiin wax dalka gudahiisa lagu sameyn karo.Sidaa darteed waxaa haboon in Xukuumadda Kheyre ay la timaado siyaasado cad cad oo looga baaqsanayo sii socoshada musiibadaas.

Ugu dambeyn, miisaaniyaddan ayaa illaa hadda aan rasmi ahayn maadama ay weli hortaallo xubnaha golaha shacabka oo la filayo iney go’aan ka gaaraan oo ay ansixiyaan ama wax ka bedel ku sameeyaan amaba ay dib ugu celiyaan kumuudda.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close