DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo aad U Dhaliishay Dib U Dhaca Natiijada Imtixaankii Mideysnaa ee DFS  

Wasiirka wasarada waxbarashada maamulka Galmudug Ibaarim Xasan Guureeye oo wareysi siiyay gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa ku dhalilay wasarada waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhaca natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Wsiirku waxa uu tilmamay in arrintaasi ay si guud wadaagaan ardayda ku nool gobolada kale duwan ee dalka waxaana madaxda dowladda Soomaaliya uu u jeediyay in arrintaasi ay soo farageliyaan.

“Ardaydii imtixaanaadka xilli aan dhaweyn ayaa laga qaaday, natiijadii weli lama keenin, waana waxyaabaha habsan ka ah ee Dowladda Federaalka kiiskeedu ay iska leedahay weeye, imtixaankii sida aad ogeyd lagu soo gudbiyay, dalladaha ayaa 70% ka degdeg badan baa la oran karaa, shaqada cid lagu halleeyaa haddaaney jirin, dowladgoboleed kastaa waa ku filan tahay, ardaydii xilligaad ogeyd imtixaanka laga qaaday shahaadadoodii weli waa dib dhacsan tahay, wasaaradda federaalka waxaan leenahay in badan baad shaqada ka huruddaan, isbedel ayay u baahan tahay wasaaradda federaalku in dhakhso loogu sameeyo, haddaan lagu sameyn waxbarashadu ma u fadhineyso mana u habsaameyso in sidaas ay ku sii jirto waxay ku shaqeyn karto maaha”.

Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imtixaan midaysan ka qaadday ardayda gaareysay 23 kun  20 May 2017, illaa haddana oo laga joogo ku dhawaad Laba bilood aan wax natiijo ah laga hayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close