arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

BBC oo Markii Ugu Horreysay Taariikhda Faafisay Mushaaraadka ay Qaataan Weriyeyaasheeda Xidigaha ah

Markii ugu horreysay taariikhda BBC ayaa daaha ka rogtay mushaaraadka ay qaataan xidigeedaha sare Arbacadii 19 July 2017, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ka bixisay sida weriyeyaasheeda iyo barnaamij soo saarayaasheeda waaweyn ay wax u siiso, warbixinteedii sanad laha ahayd ee la daabacay.

Waxaa ugu sarreeya wariyaha oo dhanka TV-ga  ee Chris Evans oo mushaarkiisu uu qaataa u dhexeeyo 2.2-2.5 Milayan oo Gini sanadkii.

BBC

Maamulaha guud ee BBC Tony Hall ayaa sheegaya in loo baahan yahay iney qaadaan tallaabooyin hor leh, weliba sida ugu dhakhsiyaha badan si looga shaqeeyo sinnaanta dhanka mushaarka ee ragga iyo dumarka, kadib markii mushaarka ugu sarreeya ay rag u bateen. Waxa uuna carabka ku adkeeyay in “BBC Waxay  u kobcaysas si ka degdeg badan hay’ad kasta ee warbaahineed”.

Tallaabadan ay BBC qaadday ayaa waxaa isla markiiba soo dhaweeyay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Ingiriiska ee Theresa May oo afhayeen u hadlay uu sheegay In Ra’isul wasaarahu uu doonayo in BBC ay ku socoto wadadaa oo ay bannaanka soo dhigto mushaaraadka shaqaaleheeda.

Si kastaba, BBC ayaa cadaadis xoogleh lagu saaray iney faafiso mushaaraadka ay siiso xidigeedaha waaweyn, si waxbadan laga ogaado halka ay ku baxaan lacaga faraha badan ee kasoo xarooda daawashada barnaamijyada kala duwan ee ay BBC-du bulshada u tabiso, waana sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Reuters.

Maandeeq FM

Related Articles

Close