arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dumarka Nolosha Ku Guuleystay Maxay Kalinimo Ugu Noolyihiin?!

Iyadoo ay jirto in dumarku ay nolosha dhibaato xoogleh kala kulmaan sidii ay ku gaari lahaayeen nolol guuleed ay waddo adag u maraan, ayaa hadana waxaa jirta in dumarkaasi in badan oo ka tirsan ay ku noolyihiin kalinimo aan la garaneyn waxa ku kalifay oo lamaanaha noloshana ay uga fogaadaan.

Dumarka ku guuleystay nolosha maxay kalinimo ugu noolyihiin?… waa su’aal dadbadani ay isweydiinayeen, waxaase ka jawaabtay khabiirka dhanka cilmi nafsiga ee u dhalatay dalka Ruushka ee la yiraahdo Olga Yurkovskaya, maqaal uu ay ku qortay jariidada vach modnij  ee dalka Ruushka.

Khabiirkan ayaa sheegtay iney jiraan sababo dhowr ah oo dumarka guuleystayaasha ah ka dhigta kuwo kaligood nool, waxaana ka mid ah:

Tan Koowaad: Inta badan dumarka guuleystayaasha ah waxay la kulmaan tijaabooyin hore oo guuldarreystay oo dhanka nolosha ah, sidaa darteed markay shaqo sare hesho ayay aamineysaa iney hadda sidii hore ka waayo arag san tahay sidaa darteed kuma degdegayso iney si sahlan ku doorato lamaane cusub oo nolosheeda la wadaaga.

Arrinta Labaad: Dumarka guuleystayaasha ah waxay raadiyaan rag dhameystiran, caadi ahaan waxay raadiyaan qof qurxoon, akhlaaq wanaagsan, aqoonyahan ah, laakiin khabiirka ayaa sheegaysa in sida lagu helo astaamahaasi ay adag tahay.

Arrinta Saddexaad: Waxay ku jirtaa ,ayay tiri,  haweynayda nolosha ku guuleystay tartan joogta ah oo dhanka horumarka ah, mar kasta way dadaal badan tahay waxayna yeelaneysaa qeyb ka mid ah sifooyinka ragga, mar kasta waxay ciyaareysaa kaalinta hoggaaminta sidaa darteed waxay tartan joogto ah kula jirtaa ragga, raggu inta badan kama helaan dumarka jecel iney majaraha nolosha iyagu hagaan, sidaas darteed ayayna uga fogaadaan amaba ku kala tagaan labadan dhinac.

Sidaa darteed, khabiirkan ayaa dumarka noocan ah  kula talineysa inaaney marnaba illoobin dumarnimadooda si ay uga baxaan kalinimadana loo baahan yahay iney ka tanaasulaan qeybo ka mid ah astaamaha ay ka eegayaan lamaanahooda dhanka nolosha. Waxaana laga maarmaan ah in dumarka noocan ah ay bartaan sida ay ku abuuri lahaayeen xiriir fiican oo dhanka noloshooda ah oo sharaf leh isla markaana aan si fudud aan ku burbureyn.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close