WararkaWaxbarashada

Goobaha Waxbarasho ee Deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug oo U Xiran Colaad iyo Abaar Isbiirsaday

Degaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa hakad galay adeeggii waxbarasho ee ka jiray kadib colaado iyo abaaro isbiirsaday oo halkaasi ka jira.

Degaanka Ceelhuur ayaa kamid ah meelaha adeeggii waxbarasho uu hakad galay, waxaana wax ka baran jiray dhallinyarada ku nool Ceelhuur iyo degaanno hoostaga. Inkabadan 200 oo arday oo dhiganayay xarumaha waxbarasho ee deegaankaas ayaa muddo ka badan Bil wax barasho la’aan ah ka dib markii ay Xirmeen goobihii waxbarasho ee ay dhiganayeen, islamarkaana ay halkaasi ka hayameen macallimiintii waxbareysay oo naftooda la baxsaday.

Ardaydan ku waxbaraneysay  deegaanka ayaa u  badnaa dan yar ay waalidkood awood u lahayn bixinta kharashaadka waxbarasho, iyadoo ay waxbarashadooda iska xilqaameen dhalinyaro deegaanka u dhalatay oo iska ururiysa lacagaha wax lagu baro da’yartaa saboolka ah.

Cabdi Cali Karar oo u dhaqdhaqaaqa waxbarista danyarta deegaanka Ceelhuur ayaa sheegay iney yihiin urur dhalinyaro ah oo deegaanka kasoo jeeda isla markaana ku talogalay iney dad deegaankoodu ku nooleeyaan waxbarasho:

“Ururka fadhigiisu waa Muqdisho Ayman 1 iyo Ayman 2 ayaa la kala yiraahdaa, dhanka Ceelhuur iyo degaanka Xalane, markaa mar haddii ay iyagu deegaankii u dhasheen waxbarasho la’aanina ay ku dhacday sidaas ay fikradda u sameeyeen si ay degaankooda u nooleeyaan, hadda weli waxba nooma hirgelin, laakiin waxaan rajeynaynaa in bishaan gabagabadeeda uu iskuulku noo furmo, si kastoo oo aan ku furnaba”.

Waxa uu Cabdi Karar sheegay in kharashaadka ay jeebkooda ka bixiyaan oo aaney cidina ka garabsiin, dhibaatada hadda jirtaana ay tahay in deegaanku uu ku yaallo meel u dhaxaysa al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Maxamed Maxamuud Xasan oo ah maamulaha iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Ceelhuur ayaa dhankiisa sheegay in iskuulku uu muddo bil ah xirnaa ardaydii shahaadiga ahaydna ay Hobyo waxbarashadii ku dhameysteen iskuulkana dhawaan la furi doono:

“Way jirtaa inuu Bil xirnan, ilmihii Shahaadiga ahaa Hobyo ayaa lagu dhameystiray, hadana xaaladdiisa iskuulka waa iska caadi, walow ay iska jirto abaar daran oo deegaanka ka jirta dadbadan oo daganaana ay degamadii ka guureen, arday ku filan waa la helayaa inuu furmana waa rajeynaynaa”.

Si kastaba, Colaad iyo Abaar ayaa iskugu darsamay dadka deegaanka Ceelhuur oo 50 KM u jirta Konfurta Hobyo, iyadoo  colaaddu ay ku keentay in macallimiintii deegaanka ka huleelaan iyagoo naftooda la cararay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close