WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada K/Galbeed oo Sheegay in Sharciga Waxbarashada Guud uu Meesha Ka Saarayo Manaahijta Kala Duwan

Wasiirka waxbarashadda waxbarashada  iyo barbaarinta maamulka koonfur galbeed Saadaad Maxamed Nuur oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa sheegay in sharciga waxbarashada dalku uu meesha ka saarayo manaahijta kala duwan ee dalka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay xilliyadan oo kale howlaha ay qabtaan isagoo tilmaamay in xiliyadan oo kale sanad walba ay  tababarro aqoon kororsi ah u sameeyaan barayasha ka howlgala dugsiyada waxbarasho ee ku yaalla deegaannada koonfur galbeed madama ardayda ay ku maqanyihiin fasaxii sanad laha ahaa.

“Dadaal aad u xoog badan baan wadnaa, shaqadii noogu dambeysay waxay ahayd imtixaankii noo dhammaaday, hadda waxaan isku diyaarineynaa furitaankii iskuulaadka waxaan hadda diyaarineynaa macallimiinta iskuulaadka dhiga sidii tababar loogu furi lahaa, maadaama uu soo dhawaaday xilligii iskuulaadka la furi lahaa, guud ahaanna waxbarashada K/Galbeed labadii Sanno ee lasoo dhaafay xooga horumar ah ayaa jira, waxaana fileynaa inaan kasii fiicaan doonno”, ayuu yiri wasiir Salaad.

Sharciga waxbarashada ayuu wasiirku aad u soo dhaweeyay, waxa uu ku tilmaamay mid loo baahnaa oo Soomaali oo dhanna dan u ah:

“Sharci hagaaya waxbarashada oo jidkeedii ku socodsiinaaya oo horumarkeedii iyo mustaqbalkeeda ka shaqeynaaya waxay ku soo kordhineysaa waxyaabahan khalkhaldan oo manaahijta kala duwan oo fikir kasto iska soo gelinaaya, ardaydana waxaan la aqoonin la baraayo, iney noqoto wax la yaqaanno Soomaali dan u ah mustaqbal u ah u roon meeshaas iney ka soo baxaan ayaan rajeynaynaa”.

Ugu dambeyn, golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ansixiyay sharciga waxbarashada guud oo muhiim u ah habsami u socodka nidaamka waxbarasho ee dalka.

wasiirka waxbarashada K.galbeed

Maandeeq FM

Related Articles

Close