WararkaWaxbarashada

DFS oo Deeq Waxbarasho oo Dibadda ah Ugu Yaboohday 10-kii Arday ee Ugu Sarreeyay Imtixaankii Mideysnaa ee Fasallada 12aad

Dowladda federaalka Soomaaliya ah ayaa ballanqaaday iney deeqda waxbarasho oo dibadda ah waliba u qalanta siineyso ardaydii 10 kaalmood ee ugu horreysa ka gashay imtixaankii Mideysnaa ee ay qaadday Wasaaradda Waxbarashada DFS.

Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled oo ka qeybgalay xafladdii lagu shaacinayay natiijada imtixaanka ayaa ardayda u ballanqaaday deeq waxbarasho, waxa uuna yiri:

“Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba u cuntama, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” , ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shaacinta natiijada imtixaanka ka qeybgalay.

Najiijada

Si kastaba, natiijada imtixaanka mideysan ee DFS ayaa la shaaciyay galinkii dambey ee shalay iyadoo muddo 2 bilood ku dhawaad ah ay ardaydu sugayeen maadaama imtiaxaanka laga qaaday 20 May 2017.

Maandeeq FM

Related Articles

Close