arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada
Madaxweyne Farmaajo: Waxaan Bulshada Ku Dhiirigelinayaa iney Xoojiyaan Akhriska iyo Qoraalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay qoraal uu ku taageerayo bandhigga saddexaad ee Garowe International Book Fair 2017, isagoona ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ku dadaalaan qoraalka iyo akhriska.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay Garowe Book Fair 2017, waxaanuu sheegay inuu bulshada Soomaaliyeed ku dhiirigelinayo iney wax qoraan waxna akhriyaan:
“Hambalyo qabanqaabiyeyaasha Bandhigga Buugaagta ee Garowe. Waxaan bulshada ku dhiirrigelinayaa inay xoojiyaan akhriska & qoraalka”, ayuu yiri madaxweynaha DFS.
Hambalyo qabanqaabiyeyaasha Bandhigga Buugaagta ee Garowe. Waxaan bulshada ku dhiirrigelinayaa inay xoojiyaan akhriska & qoraalka. #GIBF2017 pic.twitter.com/MYxjULztwc
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) July 20, 2017
Si kastaba, Garowe International Book Fair ayaa Isniintii ka furmay Puntland gaar ahaan magaalada Garowe, kaas oo ay kasoo qeybgaleen 64 ah qoraa Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha dunida iyadoo lagu soo bandhigay buugaag cusub iyo farshaxan dadkii ka qeybgalay ay aad ula dheceen.
Maandeeq FM