DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Natiijada Imtaxaankii Mideysnaa ee Wasaaradda Waxbarashada DFS oo la Shaaciyay

Imtixaankii mideysnaa ee wasaaradda waxbarashada DFS ee mudada dheer la sugaya ayaa Khamiistii shalay natiijadiisa la shaaciyay iyadoo la sheegay iney imtixaanka ku baaseen 16,000 oo kaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa ka hadlay tirada ardayda sanadkan imtixaanka ku baastay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Tirida imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada dhabta ah ee imtixaanka u fariisatay ee ka qeybgashay sandkan ay ahayd 18,239, halka markii hore dowladdu ay shaacisay in sanadkan ardayda imtixaanka u fariisaneysaa ay yihiin 23,000 oo arday, isagoon aan sheegin sababta ardayda ka reebtay imtixaanka oo ay uga qeybgeli waayeen.

Dhanka kale, waxaa la soo saaray 10 arday ee ugu sarreysa oo sanadkan uu hoggaminayo iskuulka Ibnu-Khusayma ee Gobolka Banaadir oo ardaydii ka socday ay galeen Kaalinta 1-aad iyo kaalinta 5-aad.

Najiijada

100 arday ee ugu sarreysa halka hoose ka akhriso:

tob 39 top 40-74 top79-100

Si kastaba, Wasaaradda Waxbarashda DFS ayaa horey u sheegatay in imtixaanka ay sanadkan u fariisanayaan 23,000 oo arday oo dugsi sare ah waxaana la ogeyn sababa keentay in arday 5000 arday ku dhawaaday ay ka qeybgali waayaan imtixaanka!

Maandeeq FM

Related Articles

Close