CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Da’daada Ku Kordhi 7 Sano Adigoo Raacaya Talooyinkan !

 

 

Culumo Mareykan ah iyo kuwo kale oo Jarmal ah ayaa faafiyay cilmibaaris ay ku daabaceen jariidada  “Health Affairs”, waxayna falanqeeyeen tirakoobyo laga sameeay 14 kun oo Mareykan ah oo da’doodu u dhaxayso 50-89 sano, oo cimriyay in ka badan asaagood 5-4 sano.

Culumadani cilmibaaristooda waxay ka soo saareen natiijo ah in saddex arrimood oo cimri degdegga keena ay saameyn ku yeesha nooca nolosha, cimri dherarka, waxayna kala yihiin: Cayilka, sigaar cabista iyo cabitaanka alcohol.

Sidaas oo kale, natiijada daraasaddan ayaa waxaa ka soo dhex muuqtay in dadka aan cayilneyn mukhaadaraadkana aan adeegsan ay noloshooda cimriyeen in ka badan asaaggood da’ dhex dhexaadkeedu yahay 11 sano, waa dhanka ragga, halka dumarkana uu noqday da’da cimri dhererka celceliska ah oo noqoneysa 12 sano.

Buurndu waxay leedahay curyaamid xilli hore ee nolosha ah, sigaarkuna waxa uu keenaa geeri degdeg ah, halka alcohol-ku uu keenyo caafimaadka darro iyo geeri xilli hore ah.

Ugu dambeyn, cimriga qofku waa xadidan yahay marna xilligii Rabbi SW ugu talogalay kama hor mareyso kama dib dhacayso, laakiin ogow, warbixintan cilmiga ah meel cidlo ah kuma soo dhacayso oo qofkii naftiisa dayaca mar kasta waa dayacan yahay, cimri degdegguna waa jiraa.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close