WararkaWaxbarashada

Goorma ayay Waxbarashadu Ka Bilaabaneysaa Xarunta Gahayr ee Jaamacadda Ummadda?

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Axmed Jimcaale oo wareysi gaar ah aan la yeelnnay ayaa noo sheegay in isla sanadkan waxbarashadu ay ka bilaabaneyso jaamacadda Ummadda qeybteeda Gahayr.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn waxaan weydiiddan qorshaha uga yallaa Gahayr kadib dib ula wareegistoodii, waxaanuu ku jawaabay:

“Dib ula wareegista kadib qorshuhu waxa uu yahay in laga howlgalo lana howlgeliyo xaruntaasi, qorshaha hadda noo degsanna uu  yahay ,haddii Alle qadaro, bisha September ee sanad tacliimeedku uu bilaabanayo, xarumaha jaamacadda Ummadda inta ugu badan iney xaggaa u guuri doonaan, markaa waxaa nooga dagsan qorshahaas ah in la howlgeliyo.”

Waxa uu sheegay in baahida jirta awgeed ee fasal yaraanta ah ay ku khasbayso iney Gahayr u guuraan si arday badan waxbarashada jaamacadda ay ugu suurtogasho:

“Annagoo ka duuleyna in ardayda Soomaaliyeed arday farabadan oo ka mid ah aysan jaanis u helin jaamacadda ummadda iney soo galaan sababtuna ay tahay annaga oo uu nagu yaraa fasallada ay ardaydu wax u dhigtaan oo ciriiri nagu ahaa, markaa Gahayr waa dhul aad u weyn waxay soo kordhineysaa, waa dhul aad u weyn xataa baraakooyin aan ka dhisanno; in ay arday badan oo Soomaaliyeed fursad u helaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.”

Guddoomiye Jimcaale ayaa sheegay in istiraatiijiyadda dhismaha jaamacadda ay ka mid tahay in dadku iskood jaamacadda u dhistaan:

“Qorshe kale ayaan isagana u howlgelaynaa oo ah in dib u dhis lagu sameeyo jaamacadda qeybteeda Gahayr. Waxaa iyadana noo dhagsan in nidaamkii ahaa iskaa wax u qabso in shaqooyinka qaar lagu dhiso oo aan rabo inaanuu dhawaaan mashaariic iskaa wax u qabso ah ardaydeenna degmooyinka aanu ku noolnahay ka codsanno dhammaan, gobolka Banaadir naftiisa aan taageero ka weydiisanno arrimahaas.”

Ummadda ayuu ku dhiirigeliyay iney dhisaan jaamacadda maadaama ay iska leeyihiin oo aaney waxba ka hagran:

“Ummaddu iyadaa wexeeda dhisata dadkale masoo tuugaan ummaduhu, annaguna waxaanu leenahay inaanu dhisanno wixii dhaqaale ku deeqi kara, kuwii shamiito ku deeqi kara, qorshaha noo yaalla waxa weeye in ummadda Soomaaliyeed aan u bandhigno Gaher in dib iyadu u dhisato.”

Waxa uu xusay in fasalladii wax lagu bilaabi lahaa ay diyaar yihiin bisha September-na lagu howlgeli doono oo ay halkaa waxbarashadu ka bilaaban doonto:

“Guryihii September la degi lahaa wey dhisan yihiin, waxay u baahan yihiin oo kaliya in laga dhigo fasallo oo sidii fasallo loo qalabeeyo, howshaasina way socotaa waana lagu gudo jiraa, inshaa Allaah, September arday ayaa meeshaa tagi doonta, glass-yada hadda dhisan ayay fariisan doonaan”.

Ugu dambeyn, howlgalka AMISOM ayaa 11, July ee bishan aan ku jirto waxay ku wareejiyeen wasaaradda waxbarashada DFS xarunta Gahayr oo saldhig milatari u ahayd ciidamada Burundi oo halkaa ku sugnaa  muddo 10 sano ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close